diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka ayaa duqeyn ay ka geysteen mandiqadda Gojjam ee ka tirsan ismaamulka Amhara waxaa lagu dilay askar ka tirsan ciidamada millatariga dowlada, kuwaas oo lagu soo qabtay dagaallo ka dhacay deegaankaasi oo u dhaxeeyay Fano iyo ciidamada daacadda u ah Abiy Axmed.
Asres Mare, oo ah madaxa qeybta siyaasadda ee Goojam u qaabilsan Faano, ayaa sheegay in askartan ka tirsan dowladda xabashida, la duqeeyay xilli la siinayay cuno iyo qaxwo, halkaas na ay ku dhinteen.
Waxay duqayntan kusoo beegmaysaa xilli dowladda Itoobiya labadii bilood ee la soo dhaafay ay sii xoojisay weerarada diyaaradaha Drones-ka ah ee ay ka gaysanayso deegaano badan oo ka tirsan Ismaamulka Axmaarada, jabhadda Fano waxay sheegtay in maamulka Abiy Axmed xoojiyay duqeymaha dhanka cirka ah, gaad ahaan diyaaradaha Drones-ka, kuwaas oo yimid markii looga adkaaday dagaallada dhanka