Dagaallo culus ayaa markale dib ugu qarxay dagmada Luuq ee gobolka Gedo kuwaas oo ay hurinayaan siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin katirsan maamulka ridada Jubaland.
Dagaalka ayaa waxa uu dhaxmarayaa maleeshiyaatka ukala abaabulan qaab beeleed, waxaana ka qeyb qaatay mas’uuliyiin katirsan maamulka ridada Axmad Madoobe.
Jabeerti Isaak Hoorow oo ah gudoomiye Ku xigeenka Degmada Luuq ayaa sheegay in dagaalka uu ka qeyb qaadanayo gudoomiye ku xigeenka gobolka Gedo ugu magacaaban maamulka isugu yeeray Jubbaland.
“Gudoomiye Ku xigeenka Gobolka Gedo ayaa hugaaminayay Degaalka dadka Shacabka ah Hubkii Dowlada loogu edeegsaday, isaga oo dhaawac ah oo dhutinaayo ayuu falkaas ku kacay” ayuu yiri.
Dagaallada ayaa waxay soo billawdeen maalinkii shalay iyaga oo saaka dib uqarxay, waxana lasoo warinayaa in ay ku dhinteen dad gaaraya ilaa toban ruux halka ay ku dhaawacmeen tobanaan kale.
Maamulka Axmad Madoobe ayaa ka shaqaynaya isku dirka dadka muslimiinta ah ee wada dagmada dagmada Luuq, colaada ayaana dib usoo laba kaclaysay saacado uun kadib markii Kismaanyo uu ka dhacay shir lagu sheegay dib uhesheesiin, balse xaqiiqadu ay ahayd mid lagu sii xoojinayay cadaawada lakala dhax dhigayo qabaa’ilada Soomalaiyeed ee muslimka ah.
Kusoo biir baraha cusub ee Telegramka Faafreeb Pro:
https://t.me/+Ohs9u4t24lBiODA0
https://t.me/+4_ltw9frfrNjNzc0
https://t.me/+KQPJ4NKSfKBhZGZk
https://t.me/+SKjYj6Y8krZlOTdk