Xisada udhaxaysa Kooxda Ridada Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ayaa marba marka ka danbaysa kasii daraysa, iyada oo dhinacyadu isku horfadhiyaan gobolka Gedo.
Kooxda Ridada Soomaaliya ayaa bishii hore ku daabushay gobolkaasi maleeshiyaat farabadan iyada oo sidookale udirtay saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiin katirsan, si ay halkaasi uga bilaabaan dhaqdhaqaaq kadhan ah Axmad Madoobe.
Maamulka Jubbaland ayaa isagana bilaabay dhaqdhaqaaqyo milatari oo uu ku doonayo in Gedo uu kaga difaacdo Koxda Ridada Soomaaliya
Maxamuud Sayid Aadan oo ah ku xigeenka Axmad Madoobe ayaa magacaabay gudi ka kooban ilaa todobo xubnood kuwaas oo loo xilsaaray in ay isku dabaridaan maleeshiyaatkooda ku sugan gobolkaasi si ay isku difaacaan.
““Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubaland, ayaa magacaabay Guddi ka shaqeyn doona abaabulka, diiwaangelinta, iyo isku dubaridka qeybaha kala duwan ee Ciidanka Jubaland ee ku sugan Gobolka Gedo, si loo xoojiyo difaaca Jubaland” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay.
Dhankiisa murtad Maxamed Xuseen Isaaq [Alqaadi] ayaa sheegay in Kooxda Ridada ay abaabul dagaal ka wado gobolka Gedo aysane aqbali doonin taasi, isaga oo digniin udiray murtad Gurguurte iyo Kooxdiisa.