Maamulka Puntland oo Taageeray Qorshaha Lagu Barakicinayo Shacabka Reer Gaza.

Feb 8, 2025

iyada oo todobaadkii lasoo dhaafay madaxwaynaha dowlada saliibiyada ah ee Maraykanka Donald Trump oo soo jeediyay hindise shacabka reer Gaza looga barakicinayo dhulkooda, ayaay wararku waxa aya sheegayaan in xukumada Washiton ay go’aansatay in muslimintaasi ay xooga ku barakicinayso ay dajiso dalka Marooko iyo sidookale waqooyiga Soomaaliya si gaar ah deegaanada ay ka arimiyaan maamullada Puntland iyo Soomaaliland.

Maamulka uu hogaamiye Siciid Cabdullaahi Dani ayaa sheegay in uu aqbalay qorshahaasi islamarkaana uu wax ka fulin doono hindisaha agu barakicinayo shacabka reer Filistiin uuna ogolyahay in la dajiyo deegaanada uu ka armiyo.

Murtad Yacquub Maxamed Cabdullaahi oo ah wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta maamulka ridada Puntland ayaa u sheegay wargeyska The Telegraph ee kasoo baxa Dalka Ingiriiska in ay ku faraxsanyihiin arintaasi waxa uuna yiri :

“Tani dhib maaha, Waanu soo dhawaynaynaa wakhtigaan hadda la joogo, waxaana tixgelineeynaa oo aan raaceyna sharciga caalamiga”.

Warkaan kasoo baxay maamulka ridada Puntalnad ayaa imaanaysa iyadoo dhamaan dowladaha dawaaqiida carbeed ay iska diideen in shacabka reer Gaza laga barakiciyo dhulkood alana dajiyo wadamada Masar iyo Urdun.