Maamulka Soomaliland oo Walaac Ka Muujiyay Hubka Ay Masar Ugu Deeqday Kooxda Gurguurte.

Sep 24, 2024

Maamulka ridada ee Somaliland ayaa walaac xooggan ka muujiyey hubka dowladda Masar ay siisay kooxda ridada ee Xasan Gurguurte.

War kasoo baxay waxay ugu yeeraan Wasaarada Arrimaha dibadda ee Somaliland ayaa lagu sheegay in Somaliland ay aad kaga walaacsan tahay in hubkaasi uu gacanta u galo qabaa’ilka.

Waxay ku eedeeyeen in kooxda ridada ee Xasan Gurguurte aysan awood u lahayn in ay qaadaan Mas’uuliyadda hubkaasi.

Maamulka Somaliland ayaa sidoo kale cambaareeyey dowladda Masar inay hub nuucaas ah ay soo galiyaan Soomaliya.