Maamulka Yahuuda ayaa xili danbe oo xalay ah weerar ku qaaday xarumo ay leeyihiin ciidanka Kacaanka Iiraan oo ku yaalla gudaha dalkaasi.
Magaalada Caasimada ah ee Dahraan ayaa waxaa laga maqlay qaraxyo aad uxoogan oo ka dhashay gantaallada ay tuurayeen diyaaradaha dagaalka.
Bayaan kasoo baxay taliska ciidanka maamulka isugu yeeray Israa’il ayaa lagu sheegay in howlgal dhowr saacado qaatay ay ka fuliyeen gudah Iiraan ayna beegsadeen xarumo muhiim ah islamarkaana weerarkooda uu soo idlaaday.
Warbaahinta dowlada Iiraan dhankeeda waxa ay ku warantay in laga hortagy sawaarikhda ay tuurayeen diyaaradaha dagaalka, iyadoo intaa ku dartay in Iiraan ay ka jawaab celin doonto duullaanka lagu soo qaaday .
Bishaan October bilowgeeda ayeey aheyd markii dowlada Iiraan ay weerar ku qaaday magaalooyinka Yahuuda gumaysiga ku haystaan, waxaana tan iyo xiligaasi la sugayay jawaab celintaan uu xalay bixiyay maamulka Yahuuda.