Waxaa saacadihii lasoo dhaafay soo baxay warbixin daaha ka rogeysa in sirdoonka yuhuuda ee gudaha uu adeegsado Artificial Intelligence ama garaadka macmalka ah sida loo yaqaano, isagoo u isticmaalaya duqeymaha uu ka fulinayo gudaha dhulka Filistiin gaar ahaan marinka go’adoonsan ee Qaza.
Sida warbixintu ay kasoo xiganeyso hay’ada sheegta iney u doodo xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch, maamulka isugu yeera Israel ayaa ku kacay falal aragagax leh oo xaga sirdoonka ah, isagoona xafiisyadiisa shaqo keenay robot-yo la borogaraamiyey, si ay u qabtaan shaqooyinkii sirdoon, iyaguna ay yihiin kuwa fulinaya howgalada duqeymaha ah, taasina ay tahay xad gudub kale oo ay sahaayinadu kula keceyso abriyada reer Qaza.
Waxay hay’adu sheegtay in midaas ay tahay wax lala amakaago, maadaama garaadka macmalka ah uusan awoodin kala shaandheynta xogta iyo haleelida target-ka rasmiga ah, halkaasina ay ka dhalaneyso in Robot-yadu ay fuliyaan duqeymo aan kala sooc lahayn sidaba horay loo arkay.
Human Rights Watch waxay intaasi ku dartay, in xogta ay ku howgalayaan robot-yadaan ay inta badan tahay mid xaqiiqada ka fog, sidoo kala aysan xitaa awoodin iney si buuxda u xadidaan hadafkooda ay doonayaan iney duqeynta ka fuliyaan.
Midan ayaa lagu tilmaamay cadawtooyo kale oo ay yuhuudu doonayaan iney ku laayaan shacabka reer Filistiin, waliba iyagoo u adeegsanaya sirdoon liita oo laga sameeyey caagag iyo biro la isku keen keenay, misana aanan lahayn wax qibrad ama kala saarida hadba xogta muhiimsan iyo mida mudan in laga tago.
FAAFREEB PRO