Waxaa saacadihii lasoo dhaafay lagu soo waramayaa in maamulka gumeystaha yuhuuda uu la kulmay khasaara xoogan kadib markii laga dilay saraakiil ciidan oo muhiim u ahaa, kuwaas oo ku sugnaa xadka dalka Lubnaan.
Uruurka shiiciga ah ee isugu yeera xisbullah ayaa fuliyey howgal qorsheysan oo sida ay sheegeen ahaa mid ka hortag ah, kaas oo ay si gaar ah ugu bartilmaameedsadeen saraakiil kumaandoos oo qiima gaar ah ugu fadhiyey xukuumada isugu yeerta Israel.
Maamulka yuhuuda ayaa halkaas ku waayey ilaa 8 sarkaal, warsaxaafadeed uu soo saaray saacadihii lasoo dhaafay ayuuna ku cadeeyey jiritaanka xogaha sheegaya in saraakiil muhiim ah uu ku waayey weeraraas ay kala kulmeen ururka shiiciga ah ee ku daaban xukuumada Iran.
Waxaa sidoo kale lagu xusay warsaxaafadeedka kasoo baxay maamulka yuhuuda, in raga halkaas ku baxay ay ku jiraa ilaa 3 sarkaal oo ay darajadoodu gaarsiisneyd gaashaanle iyo labo kale oo Kabtan ah.
Warka ka soo baxay ciidanka sahaayinada ayaa sidoo kale lagu xaqiijiyay, in sidoo kale uu weerarkaas ay ku dhaawacmeen ilaa 7 sarkaal oo kale, kuwaas oo aanan warbaahinta lala wadaagin daroojaroojinkooda.
Midan ayaa agu tilmaamay weerarkii ugu culsaa ee uu maamulka yuhuuda kuwaayo saraakiil intan la eg misana qiimo gaar ah ugu fadhiyey hal maalin gudeheeda, kaas oo ay isku fara saaraan ururkan isugu yeera Xisbullah tan iyo sanadii 2006-dii.
FAAFREEB PRO