Xilli xaalado adag oo dhan walba ah ay wajahayaan shacabka ku dhaqan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayay kooxda Ridada soomaaliya sare uqaadday dhulboobka iyo baadda ka dhanka ah hantida shacabka ah.
Xasan Gurguurte iyo kaaliyaashiisa ayaa la sheegay in ay dejiyeen qorshayaal ay boobayaan hantidad dadweynaha iyadoona musuq maasuq ballaaran lagasoo weriyay murtadiinta dhaxdooda.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo katirsan xildhibaannada kooxda Ridada ayaa Xasan Gurguurte ku eedeeyay in uu isbaaro udhigtay dhaqaalaha dalka islamarkaana ay maleeshiyaadkiisu geysanayaan gabood fallo aad udaran.
Wuxuu ka shanqariyay kumanaan kun oo kamid ah dhalinyarada muqdisho ay tahriib ka doorbideen in ay kunoolaadaan magaalada sababa laxiriira lacagaha baadda ah ee lagusoo rogay goobihii ganacsi ee ay ka shaqeysanayeen.
Wararka ayaa intaas ku daraya in isbaarooyinka ay maleeshiyaadka murtadiintu dhigteen waddooyinka lagusoo kordhiyay isbaarooyin ay madaxda kooxda ridadu dhiganayaan shirkadaha isgaarsiinta iyo bankiyada iyagoo ku baadaya ganacsatada iyo qof walba oo ay isleeyihiin jeebkiisa ayay wax ku jiraan.
waxaa si gaabis ah ushaqeynaya suuqyo caanka ahaa muqdisho iyadoona muruq maal kumanaan ah ay dibadda utahriibeen,xasan gurguurte ayaa markii madaxweynaha kooxda riddada laga dhigay bartamihii sanaddii 2022 wuxuu jeediyay ballan qaadyo afka baarkiis ah taas bedelkeedna wuxuu kadeed geliyay shacabka danyarta ah.