Madaxweynaha Tukriga oo Weerar Xukuumada Cusub ee Mareykanka.

Feb 15, 2025

Madaxweynaha Turkiga oo sheegay in Trump uu xisaabaad khaldan kawado mandiqadda loo bixiyay bariga dhexe weerar afka ahna ku qaaday siyaasadda barakicinta ah ee uu lasoo shirtagtay madaxa xukuumadda Washington.

Sida uu nashrisay majalda Turkish-ka ah ee Yeni Safak, Rajcep Dhaiyib Erdogan ayaa sheegay Mareykanku uu wado faragalin tii hore ka balaaran oo ku aadan qadiyada Qaza, taasina ay sii balaarin doonto dabna ay kusii shidi doonto xiisada taagan ee u dhexeysa dhinacyda hadda is haya.

“Maraykanku wuxuu samaynayaa xisaabaad khaldan oo ku saabsan gobolkayaga iyo xaqiiqooyinkiisa taariikheed, waana inaan sinaba la isaga indha tirin arinkaas” ayuu yiri madaxa xukuumada Ankara.

Dowladda Tukriga ayaa maalmahan isku muujineysa mid si aad ah uga careysan talaabadan Trump, bulshada Muslimka ah ayaana intooda badan daneyneyn hadalada Erdogan maadaama horay loo bartay munaafaqeyntiisa, oo ay ugu dambeysay in bilo ka hor daked ku taala gudaha Turkiga uu kusoo xirtay markab sahaayinada u siday hubkii ay ku xasuuqi lahaayeen shacabka reer Qaza.

FAAFREEB PRO