Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in dhigiisa Ruushka waqti xaadirkaan uusan qorsheyneyn in lasoo afmeero dagaalka, taa badalkeedna uuba hada furimaha kusoo daabulayo ciidamo fara badan oo hor leh.
Mar uu hadleyey madaxa Kyev ayuuna yiri “ Putin gabi ahaanba iskuma diyaarinayo wada xaajood, taa beddelkeeda wuxuu isku diyaarinayaa sii wadida dagaalka, waxa uuna kordhin kuwadaa ciidankiisa ku sugan furmaha kuwaas oo hadda lagu kordhiyey ilaa 100 kun oo askari oo horleh.”
Joornaalo fara badan oo soo xoganaya wakaalada wararka ee Ukrainform ayaa sidoo kale sheegay in midan ay xukuumada uu hogaamiyo Zelenskyy ogaatay iyadoo adeegsaneysa sirdoonadooda kala duwan ee ku kala firirsan daafaha caalamka, iyagoona midan walaac daran ka muujiyey.
Dhanka kale xogaha ayaa tibaaxaya in Putin hada uu yahay waqtii ugu dhawaa ee uu ugolaan lahaa imaashiyaha miiska wada hadalka, xilli shalay ay qadka taleefanka kuwada hadleen dhigiisa Mareykanka Trump , taasoo iyadana ah saadaalin karo oo ay falanqeyaal faraa badani wax ku dhisanayaan.
FAAFREEB PRO