Madaxweynaha Yuhuuda oo Baaq u Diray Binyamin Natanyaahu.

Dec 26, 2024

Madaxweynaha yuhuuda ee aanan awooda badan lahayn Isaac Herzog ayaa Binyamiin Natanyaahu u diray baaq xabad joojineed oo u muuqday mid quus ah, cabsina uu ugu muujinayo maxaabiistooda ka maqan ee ay ableydu qoorta ka saarantahay.

Sida uu nashiriyey wargeyska The Times of Israel ninkan ayaa Netanyahu iyo hoggaanka siyaasadda sahaayinada ugu sheegay inay halis ay ku jirto nolasha maxaabiistooda ku xiran Qasa, waxa kaliya ee u furana ay tahay inay tanaasul sameeyaan sidii dadkaan loo  sii deyn lahaa.

Sida lagu waramayo madaxweynaha maamulkan isugu yeera Israel ayaa hadalkiisan kusoo aadiyey xilli shalay ay yuhuuda iyo kooxaha muqaawamada Filistiin is dhaafsadeen eedeymo kulul, isagoona midba midka kale ku eedeeyey inuu soo gudbiyey shuruudo adag ooh or istaagaya in la gaar heshiis deg deg ah.

Waxaa sii ziyaadaya cabsida ay gumeystuhu ka qabaan masiirka maxaabiistooda, xilli dhowr jeer oo hore ay kooxaha wax iska caabinta Filistiin ay sheegeen iney mid mid u dili doonaan shaqsiyaadkan ay gacanta ku hayaan hadii yuhuuda ay sameeyaan dhaqdhaaq qaldan, qoortoodana ay midida saarantahay.

FAAFREEB PRO