Bishii January, sannadkii 1992, ciidamo ka socday Qaramada Midoobay ayaa la keenay Soomaaliya. Waa wajigii hore ee hawlgalkii Qaramada Midoobay ee UNOSOM. Sida oo kale, bishii December, 1992, waxa dalka la keenay ciidamadii hawlgalka UNITAF oo ka koobnaa ku dhawaad 37,000 askari oo Maraykanku hoggaaminaayay. Sannadkii 1993, waxa hawlgalkii UNITAF sii beddelay hawlgalkii UNOSOM II oo ka koobnaa 28,000 askari oo ka socday isbahaysiyo caalami ah.
Waxa xigay duullaankii Itoobiya ee gobolka Gedo. Bishii January, 2005, xukuumaddii Cabdillaahi Yuusuf ayaa codsatay in ciidamo ka socda dalalka Afrika ee safka hore ee IGAD oo tiradoodu ka badantahay 10,000 oo askari la keeno Soomaaliya, qorshahaas oo urur gobolleedka IGAD ay aragti ahaan oggolaadeen. Ciidamadaas waxa la soo jeediyey in loo bixiyo IGASOM.
Meles Zenawi, Raysalwasaarihii Itoobiya ayaa dhammaadkii 2006, waxa uu ciidamada dalkiisa amar ku siiyay in ay galaan gudaha Soomaaliya si ay uga hortagaan wax uu ku sheegay ‘khatar muuqata’ oo ka soo socota Soomaaliya. Kani waxa uu ahaa duullaan qaawan oo Itoobiyaanku ay Soomaaliya ku soo qaadeen oo la mid ah duullaankii Maraykanka ee Ciraaq.
Horraantii sannadkii 2007dii, waxa bilawday hawlgalka Afrika ee AMISOM oo Qaramada Midoobay ay meelmariyeen. Waa hawlgal hadda ka kooban dalal ay ka mid yihiin Uganda, Burundi, Kenya, Ethiopia iyo Djibouti. Bishii October, 2011kii, ku dhawaad 6,000 oo askari oo Kenyan ah, ayaa soo galay gudaha Soomaaliya, waxaana bilawday hawlgalka ay u bixiyeen Linda Nchi ‘Ilaalinta Qaranka’. Markii dambena ciidamada Kenya waxay magac ahaan ku biireen hawlgalka Afrikaaanta ee AMISOM. Waxa iyaduna mar dambe AMISOM magac ahaan ku biirtay Itoobiya oo ay ciidamadeedu iska joogeen qaybo badan oo Soomaaliya ka mid ah. Dhammaadkii March, 2022, hawlgalka AMISOM waxa loo sii beddelay hawlgalka kumeelgaadhka ah ee ATMIS, waxaana la siiyay sannado kale oo dheeraad ah oo ay Soomaaliya iska sii joogi karaan.
Mar kale, horraantii bishii August, 2024, Golaha ururka Midawga Afrika ayaa meel mariyay sii joogitaanka gudaha dalka Soomaaliya ee ciidamada soo duuleyaasha ah. Ciidamadan ayaa magac ahaan loo bixiyay African Union Support and Stabilization Mission in Somalia (AUSSOM). Ka dibna, dhammaadkii December, 2024, waxa qorshahan ansixiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Tan ayaa lagu tilmaami karaa rafadkii ugu dambeeyey.
Inkasta oo aan marna daahfurnaan laga samaynin ciidamada Afrikaanka ah ee ku dhintay Soomaaliya, haddana sida ay baahisay idaacadda Codka Maraykanka laanteeda Soomaaliga oo la hadashay madaxa hawlgalka Midawga Afrika ee Soomaaliya, Mohamed El-Amine Souef, bishii April, 2023kii, khasaaraha nafeed ee hawlgalka AMISOM/ATMIS ee Soomaaliya ayaa kor u dhaafay dhimashada 3,500 oo askari iyo dhaawaca 5,000 oo askari, taas oo hawlgalka AMISOM/ATMIS ka dhigtay hawlgalkii waxa loogu yeedho ‘nabad ilaalinta’ ee ugu khasaaraha badnaa caalamka oo dhan 80kii sannadood ee ugu dambeeyey.
Maxaa suurtogal ah?
Fiidnimadii April 28, 1975, Madaxweynihii Maraykanka Gerald Ford ayay ilihiisa amnigu si degdeg ah ugu wargeliyeen in magaalada Saigon ay si degdeg ah gacanta ugu sii galayso cadawga! Intaas ka dib, waa la wada ogaa wixii ka dhacay Vietnam. Mar kale, August 15, 2021, xarakada Daalibaan waxa ay la wareegtay caasimadda dalka Afghanistan ee Kabul, iyaga oo aan wax iska-caabbin ah kala kulmin ciidamadii Afghanistan. Ciidamadii Afghanistan way awoodi kari waayeen in ay is hor taagaan Daalibaan iyaga oo tiro ahaan ka badnaa, qalab ahaanna ka wanaagsanaa. Haddaba, Daalibaan maxay si fudud ugaga guuleysteen xukuumaddii Ashraf Ghani? Tani waa su’aal muhiim ah. Guddi xaqqiiqo raadin ah oo Maraykanku uu arrimahan u xilsaaray ayaa soo bandhigay ilaa lix qodob oo muhiim ah:
- Dawladdii Afghanistan, marna si dhab ah umay rumaysanin baaqii Maraykanka ee ahaa in ciidamadiisa uu la bixi doono. Waxa ay si weyn ugu fashilmeen inay diyaargaraw isku fillaanshiiyo ah sameeyaan.
- Maraykanku waxa uu dawladdii dabadhilifka ahayd ee Kabul u diiday in ay qayb ka noqoto wada hadalka uu la geli doono Daalibaan. Tani waxa ay ahayd shuruud muhiim ah oo Daalibaan ay doonayeen. Tallaabadani waxa ay aad u wiiqday sharciyaddii xukuumadda Kabul.
- Xukuumaddii Kabul waxa ay been u sheegeen naftooda. Waxa ay ku fikireen in Daalibaan ay iyaga ku soo biiri doonaan, saami qaybsina ay waydiisan doonaan, iyaguna ay dawlad sii ahaan doonaan.
- Daalibaan marna diyaar umay ahayn in ay tanaasul u sameeyaan xukuumaddii dabadhilifka ahayd. Muhiimaddoodu waxa ay ahayd in Maraykanka ay wada hadal ku saaraan, ka dibna ay cagta mariyaan carrotuulka uu dalka ka samaystay.
- Madaxweyne Ashraf Ghani, waxa uu saaxiib siyaasaddeed ka dhigtay xubno kooban oo guulwadeyaal ah oo ehel iyo qaraabo u badan. Kuwani waxa ay mar walba u sheegi jireen xaqqiiqo been ah oo ka duwan xaqqiiqada bannaanka taalla. Tan ayaa dhabbaha u xaadhay in Daalibaan ay si fudud isu soo taagaan albaabka Kabul isaga oo hurda.
- Xukuumaddii Kabul waxa ay noqotay meel musuqa, boobka iyo tuugannimadu ay gaadhay meel aan la qiyaasi karin, waxaanay lumisay kalsooni kasta. Tani waxa ay fursad u noqotay Daalibaan.
Waxa intaas dheer oo ay warbixintu sheegtay in ciidamadii Afghanistan ay ahaayeen kuwo tayo ahaan liitta oo aan marna is hor taagi karin jihaadiyiinta. Carrotuulku waxa ay mar walba ahaayeen kuwo niyad ahaan hooseeya, dhaqaale ahaan iyo taakulayn ahaan ku tiirsan shisheeyaha, musuqa iyo qaraabo-kiilnimaduna ay xadhkaha goosatay.
Dhinaca taageerada shacabka ee maamulkii Kabul ayaa iyaduna dhulka gashay. Tusaale ahaan, doorashadii Madaxweynenimo ee Maraykanku uu ka abaabulay dalka Afghanistan sannadkii 2004tii, waxa u soo baxay 68% dadka reer Afghanistan, laakiin doorashadii Madaxweynenimo ee sannadkii 2019kii, waxa u soo baxay wax ka yar 10%. Tan ayaa ah astaan cad oo muujinaysa sida xukuumaddii dabadhilifka ahayd ay u lumisay kalsooni kasta oo lagu qabi karay.
Maraykanka xaqqiiqada ayaa hortiisa timid, ugu dambayntiina waxa uu go’aansaday in uu Afghanistan ka dhaqaaqo, waanu ka dhaqaaqay. Ashraf Ghani waxa uu shahaadada sare ee Ph.D ka qaatay Jaamacadda Columbia University ee dalka Maraykanka, sida oo kalena waa qoraaga buugga caanka ah ee ‘Fixing Failed States’. Majalladda Maraykanka ah ee New York Times oo ku jeesjeesaysay Ashraf Ghani ayaa tidhi “halkii uu Afghanistan hagaajin lahaa, kabo la’aan ayuu kaga cararay”.
Haddii aad qodobbada sare u fiirsato, ka dibna aad eegto xaaladda maanta ee xukuumadda Xamar, waxa aad helaysaa isu-eekaanshiiyo dhowr ah. Xassan Sheekh iyo Ashraf Ghani waxa ay wadaagaan astaan kasta oo fashil. Lixda qodob ee fashiliyay Ashraf Ghani, dhammaantood waxa ay maanta yaallaan miiska talada ee Xassan Sheekh. Xamar waxa hadda caan ka ah kala iibsiya derejooyinka ciidanka, boobka hantida danta guud iyo u awood sheegashada shacabka ilaa la gaadhay in xabaalaha lafaha laga soo guro kadibna dhulkii ganacsato laga iibiyo. Xassan Sheekh waxa uu albaabbada ka xidh-dhay dabadhilifyadii kale ee ay awoodda ku loollamayeen, waxaanu ka shaqaynayaa doorasho isaga dantiisa ah oo uu markale ku soo laabto. Tani waxa ay sii dhaawici doontaa rajo kasta oo dadka qaar ay ka qabeen Xamar, ugu dambayntana, waxa dhabbaha loo bannayn doonaa Al Shabaab.
Annagu, waxa aanu kasoo gudubnay caqabado badan oo warkooda iyo waayahooda lahaa. Marar badan ayaanu run ahaantii si weyn u dhibaatoonnay, balse marna maannaan is dhiibin. Waanu dhaawacannay, waanu xannuunsannay, waanu gaajoonnay, laakiin wali waanu halgamaynaa. Qofna taariikhdan ma tirtiri karo. Waxa aanu nahay Soomaali. Waxa aanu nahay Muslimiin. Waxa aanu nahay Al Shabaab. Waxa aanu u taagannahay halgan, samir, run sheegnimo, ballan oofin iyo jiritaan. Al Shabaab waa mabda’, mabda’na lama cidhibtiri karo. Xaqqiiqadaas waa in lagu wada qanco.
Nageeye Cali Khaliif
January, 2025