Malaayiin Dollar oo loo Waday Ururka Isugu Yeera Xisbullah oo Gacanta Lagu Dhigay.

Mar 2, 2025

Sida ay baahisay saxiifada The Jerusalem Post, wasaaradda maaliyadda Lubnaan iyo maamulka amniga ee garoonka diyaaradaha caasimadda Beyruut ee dalka Lubnaan ayaa gacan ku dhigay lacag gaareysa ilaa 2.5 milyan oo dollar oo uu waday in ka yimid wadanka Turkiga, waxaana la sheegay in lacagtan loo waday dhanka ururka isugu yeera Xisbullah.

Wasaaradda amniga gudaha Lubnaan ayaa dhankeeda warsaaafadeed ku xaqiijisay qabashada lacagtan iyo ninkii watay, balse ma jiro wax hadal oo ka soo baxay ururkan shiiciga ah oo lacagtaa looga hadlay.

Xisbusheydaan oo in muddo ah hadda heshiis xabad joojineed oo daciif ah kula jira maamulka yuhuuda ayaa sida muuqata dhan walba ka wajahaya cunaqabateen xoogan, taasoo dhalisay arimahan iyo in xitaa marar badan Iran diyaaradaha ka yimaada la baaro si aysan usoo gudbin wax lacag ah alaabo kale oo muhiim ah.

FAAFREEB PRO