Maleeshiyaad katirsan Liyuu Booliska Xabashida oo Lagu Dilay Dagaal Ka Dhacay Godeey

Sep 9, 2024

Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay iska hor’imaadyo culus oo ka dhacay mid kamida degmooyinka gobolka Shabeelle ee dhulka Soomaaligalbeed.

Wararka ka imaanaya degmada Cadaadle ayaa sheegaya in dagaal culus uu halkaas ku dhaxmaray maleeshiyaadka dowladda Xabashidu dhistay ee loo yaqaan Liyuu Boolis iyo dadka deegaanka.

Dagaalka oo saacado badan qaatay ayaa sababay khasaara dhimashi iyo dhaawac leh oo kala gaaray dhinacyadii dagaallamay, degmada Cadaale ayaa qiyaastii 18Km dhanka Koonfur uga beegan magaalada Godeey ee caasimadda gobolka shabelle.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta usheegay in dagaalkii shalay lagu dilay inkabadan 2 askari oo katirsan maleeshiyaadka liyuu booliska halka tiro kale ay dhaawacyo soo gaareen.

Odayaasha iyo waxgaradka degmada Cadaale ayaa ku eedeeyay maamulka ridada ee uu hoggaamiyo mustafa Cagjar in uu si bareer ah ubeegsaday dad shacab ah islamarkaana uu marwalbo ka shaqeynayo xasuuqa dadweynaha.

wararka ayaa intaas ku daraya in dadkii shacabka ahaa ee ku dhaawacmay iska hor’imaadkii shalay dhacay loo diiday in loo qaado isbitaallada magaalada Jigjiga arrinkaas oo ah fal dambiyeed kale oo uu geysanayo maamulka Mustafa cagjar ee xabashida ku daaban.

Ma ahan markii ugu horraysay oo isku dhacyo udhaxeeya dadka deegaanka iyo maleeshiyaadka taabacsan dowladda xabashida ay ka dhacaan deegaanno katirsan dhulka soomaaligalbeed ee gummeysiga kujira