Maleeshiyaadka RSF oo Tobonaan qof oo rayid ah ku xasuuqay dalka Suudaan.

Feb 13, 2025
Tobaneeyo qof oo rayid ah ayaa lagu dilay weerar ay maleeshiyaadka Imaaraatku taageer ee (RSF) ku qaadeen tuulooyin ka tirsan gobolka Nile-ka cad ee Suudaan ee koonfurta caasimadda Kharduum, sida Arbacadii shalay ay sheegtay kooxda Al Jazirah ee sheegata inay ka shaqayso Xuquuqda Aadanaha.
RSF ayaa bilawday inay duullaan ku qaaddo tuullooyin aanu ciidan joogin oo ku yaal waqooyiga gobolka Niilka cad kadib markii lagu wiiqay dagaalladii u dambeeyey, dib-na uga gurteen gobolka Jaziira, halkaas oo ay weerarro ba’an kala kulmeen ciidamada Suudaan, sida ay sheegtay kooxda xuquuqda Aadanuhu.
“Dadka degan qaybta tuullada Naciima iyo tobanaan tuullo oo ku yaalla waqooyiga gobolka Niilka Cad ayaa waxay la kulmeen mowjado weerarro ah oo ay geysanayaan RSF,” ayuu yiri mas’uul ay soo xigatay warbaahinta Sudan Tribune.
Weerarradan oo sida la sheegay loo adeegsaday gaadiid dagaal ayaa sababay dhimashada tobonaan qof, bililiqo hantiyeed, barakac xooggan, iyo afduub loo geystay dadka deggaannadaasi, iyadoo sii deynta la heystayaasha lagu xiray shuruudo madax-furasho ah.
Warbixin ay soo saartay kooxda Al-Jaziira ayaa lagu shaaciyey in maleeshiyaadka RSF ay 30 qof ku dileen tuullooyinka al-Jamalab iyo Naciima. Isla markaana 15 qof oo kalena ay ku qaraqmeen webiga Niilka cad ka dib markii ay fuuleen Doon si ay uga baxsadaan kooxdaasi.
Kooxda Al-Jaziira ee sheeganaysa inay ka shaqayso xuquuqda Aadanaha, ayaa dambiyo dagaal iyo xasuuq ku tilmaantay xad-gudubyada bahalnimada ah ee ay maleeshiyaadka RSF u geysteen dadka deggan tuullooyinka dhaca waqooyiga gobolka Niilka Cad.