Maleeshiyaat Hoostaga Imaaraatka iyo Maraykanka oo Ku Dagaallamay Boosaaso.

Oct 20, 2024

Iska hor’imaad u dhaxeeyay askar ka kala tirsan maleeshiyada loogu yeero PSF ee hoostaga dowladda Maraykanka iyo kuwa kale ee PMPF loo yaqaan ee taabacsan maamulka uu madaxa u yahay Siciid Deni ayaa maanta ka dhacay gudaha magaalada Boosaaso.

Iska hor’imaadka ayaa si gaar ah u dhexmaray askari ka tirsan maleeshiyada PSF-ta ee ku kacdoonsan maamulka Deni iyo maleeshiyada kale ee Imaaraadku qalabeeyo ee Deni ka amar qaata ee PMPF.

Israsaaseynta ayaa ka dhacday meel u dhow guriga agaasimaha maleeshiyaadka Deni hoostaga, waxaa lasoo wariyay in dagaalku u dhaxeeyay ilaalada sarkaal iyo askariga ka tirsan maleeshiyada PSF.

Askariga ka tirsan maleeshiyaadka kasoo horjeeda Siciid Deni ayaa lasoo wariyay in uu dhaawac xooggan kasoo gaaray iska hor’imaadka saaka ka dhacay Boosaaso, waxaana la wariyay in dhaawiciisa loo qaaday dhanka magaalada Garoowe.

Iska hor’imaadkaan ka dhacay magaalada Boosaaso ayaa kusoo beegmaya xilli muddooyinkii dambe ay magaaladaasi ka taagnaayeen xiisad colaadeed oo u dhaxeysa labadan maleeshiyo, kuwaas oo qarka u saaran inay ku dagaallamaan xaafadaha magaaladaasi.