Wararka ka imanayaee gobolka Mudug ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya maleeshiyo-beeleed hubaysan oo weerar ku qaadday xabsiga weyn ee magaallada Gaalkacayo ee dhinaca maamulka riddada ee la baxay Puntland.
Weerarkan oo dhacay jimcihii shalay, ayay wararku tibaaxayaan in maleeshiyadu ay rabtay inay kusoo furtaan maxaabiis ku xiran xabsiga, kuwaas oo la sheegay in maxkamadda maleeshiyada ee maamulka Riddada ee Puntland ay ku ridday xukuuno isugu jira dil iyo xabsi.
Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in ugu yaraan hal ruux uu ku dhintay laba kalena ay ku dhaawacmeen iska hor-imaad xooggan oo dhex-maray maleeshiyaadka Riddada Puntland ee ilaalada ka hayay xabsiga iyo maleeshiyo-beeleedka hubaysan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in maxaabiistan la rabay in xabsiga lagala baxo loo haysto ganacsade lagu dilay magaallada Gaalkacayo.
Weerarkan ayaa qayb ka noqonaya xiisadda cakiran ee ka aloosan Mudug, oo beryahan dambe ay sii xoogaysteen dagaallada dhex-maraya beellaha walaalaha ah ee wada dega deggaannadaasi.