Kalluumeysatada ka jillaabta xeebaha magaalada Muqdisho ayaa cabasho ka muujiyay maraakiib shisheeye oo baab’in ku haya kalluunka, kuwaas oo qayb ka ah dowladaha ay heshiisyada sharci darrada ah la gashay kooxda Riddada Soomaaliya.
Jariifka ba’an ee ay xeebaha caasimadda ka wadaan maraakiibtan Shisheeye ayay kalluumeysatadu sheegeen in uu keenay gaabis ku yimid kalluunkii laga heli jiray xeebaha, taasi oo shaqo la’aan ka dhigtay dadkii nolol maalmeedka ka raadsan jiray biyaha badda.
Suuqyada lagu iibiyo kalluunka ee kuyaal degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir ayaa laga dareemayaa kalluun yari, taasi oo sida kalluumeysatadu sheegeen ka dhalatay dabeylaha badda ka jira xilligan iyo sidoo kale xaalufka ba’an ee ay maraakiibta iyo doonyaha shisheeye ku sameeyeen kalluunkii ku jiray biyaha.
Soomaaliya oo hodan ku ah khayraadka badda, ahna dal Beylah ah, ayaa waxaa lagu soo fasaxay maraakiib waawayn iyo doonyo ay leeyihiin dalal kala duwan oo shisheeye, kuwaas oo qaarkood heshiisyo la galay kooxda Riddada, si ay u xaalufiyaan kalluunka ka buuxa xeebaha Somalia,halka kuwa qaarna ay kalluunka umadda Soomaaliyeed ku boobaan dagaalka ka dhanka ah waxay ugu yeeraan burcad-badeedda.