Dowladaha saliibiyiinta ah ee Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa digniino u diray muwaadiniintooda ku sugan gudaha waddanka Kenya ee dhaca bariga qaaradda Africa, waxayna siiyeen talooyin ku saabsan goobaha la beegsan karo.
Safaaradda xukuumadda kaafiradda ah ee Washington ay ku leedahay Nairobi ayaa warbixin ay soo saartay digniin ugu dirtay muwaadiniinteeda, waxayna u sheegtay inay dhici karaan suuragal nimada weerarada waxay ugu yeeraan Argagaxisada oo ay ula jeedaan mujaahidiinta.
Safaaradda waxay muwaadiniinteeda uga digtay inay si gaar ah u muujiyaan feejignaan dheeri ah marka la joogo goobaha loo dalxiis_tago, xarumaha safaaradaha, hoteellada suuqyada iyo sidoo kale goobaha suuragalka ah ee la beegsan karo.
Dowladda saliibiyadda Maraykanka oo maanka ku haysa dulmiga ay gaysatay ayaa soo qaadatay in ay dhici karaan weeraro aargoosi ah oo la mid ah kuwii dhacay 11-kii Semtemper iyo weerarkii West Gate.
“Goobaha ay ku badan yihiin muwaadiniinta Maraykanka ah iyo ajaanibta kale iyo dalxiisayaasha Nairobi iyo meelo kale oo Kenya ah ayaa weli ah bartilmaameedyada argagixisada,” ayaa lagu yiri digniinta kasoo baxday safaaradda Maraykanka ee Nairobi u dirtay muwaadiniinteeda ku sugan waddankaasi.
Warka kasoo baxay Maraykanka oo sii socda ayaa waxaa lagu yiri: “Inkastoo ay weerarradu dhici karaan wakhti kasta, haddana walaaca waxaa sii kordhiyay sannad-guuradii kasoo wareegtay weerarradii argagixiso ee hore, sida 11-kii Sebtembar, weerarkii 21-kii Sebtembar ee Westgate Mall, iyo weerarkii 7-dii Oktoobar ee Falastiiniyiintu ku qaadeen Israa’iil,” ayaa lagu yiri warka safaaradda.
Dowladda saliibiyadda Ingiriiska ayaa dhankeeda muwaadiniinteeda ku sugan Kenya uga digtay inay u safraan goobaha ay sheegtay inay halis yihiin, ayna ka dhici karaan weeraro ay fuliyaan Shabaabul Mujaahidiin.
“Maadaama ay jirto khatarta kooxda argagixisada ee fadhigoodu yahay Soomaaliya, (Xafiiska Arrimaha Dibadda) waxa uu ku talinayaa in aan loo safri karin 60km oo ah xuduudka uu Kenya la wadaago Soomaaliya, Bariga Gaarisa, ilaa 20km oo waqooyi-galbeed Waddada A3 ah, oo ay ku jiraan Keydka Qaranka ee Boni iyo degmada Mandheera,” waxaa sidaas lagu yiri nuqul ka mid ah digniin uu soo saaray Ingiriiska oo la xiriirta cabsida reer galbeedka saliibiyiinta ah ay ka qabaan weeraro ka dhaca gudaha Kenya.
Digniinahan isdaba-joogga ah ayaa kusoo beegmaya xilli maalmo ka hor ay dadka Ameerikaanka ah u baroordiiqayeen weeraradii taariikhda galay ee dhacay 11-kii September 2001-dii, waxayna hadda ka cabsi qabaan inay dhacaan kuwa kale oo ay muslimiintu kaga aargoosanayaan dulmiga xarkaha goostay ee dowladda saliibiyada ah ee Maraykanku ku hayso muslimiinta.