Sida ay soo tebinayso qaybo ka mida warbaahinta caalamka, guddi-hoosaadka aqalka wakiillada Maraykanka u qaabilsan ka hor-tagga xisbiga shuuciga ah ee Shiinaha ayaa ku baaqay in wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanku ay xafiis ka furato deggaannada uu ka arrimiyo maamulka ashahaado-la-dirirka ah ee la baxay Somaliland, si looga hor-tago ayay yidhaahdeen saamaynta uu Shiiinuhu ku leeyahay gobolka.
“Tallaabadan noocan oo kale ah waxay muhiim u tahay horumarinta danaha istaraatiijiyadeed ee Mareykanka ee Geeska Afrika iyo ka hor-tagga saameynta sii kordheysa ee Shiinaha,” ayaa lagu yiri warqad uu golaha la wadaagay Guddoomiyaha Guddida, John Moolenaar, taas oo 15-kii bishan loo akhriyay Xoghayaha Arrimaha Dibadda, Antony Blinken.
Guddidan oo saamayn ku leh aqalka Kongareeska ayaa sheegtay in haddii Maraykanku uu Somaliland si dhakhso ah ula shaqayn waayo, ay suuragal tahay inuu Shiinuhu danaha Somaliland fuliyo, taasina ay keeni karto inuu isagu awood ku yeesho gobolka.
Cameron Hudson oo ah falanqeeye ka tirsan xarunta istaraatiijiyadda iyo daraasaadka caalamiga ah ayaa sheegay in guddida arrimaha dibaddu ay in tabadan waraaqo u diraan wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka, balse warqaddani ay tahay mid leh muhimadda gaar ah, maadaama ayuu yiri ay dhaqaajisay doodaha mustaqbalka maamulka Somaliland.
“Kiiska Somaliland ee Mareykanka waa mid aad u xoogan,” ayuu yiri Joshua Meservey oo ka mid ah naqshadeeyayaasha muhiimka ah ee fikirka Afrika ee xisbiga Jamhuuriga ee dalka Maraykankan.
Baaqan ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan xubno sare oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, oo uu ka mid yahay Scott Perry oo xubin ka ah Kongareeska, ay soo bandhigeen xeer soo jeedinaya in Mareykanku uu si rasmiya u aqoonsado maamulka riddada ah ee la baxay Somaliland.
Qorshahan ayaa u muuqda mid dhaq-dhaqaajintiisu ay aad isu soo tarayso waayadan dambe, khaasatan dalalka reer-galbeedka. Waxaana safka hore kaga jira Maraykanka oo raba in saldhig millateri oo danihiisa uu ka fushado isla markaana kaga duullo dadka muslimiinta ah uu ka samaysto magaallo-marsada Istaraatiijiga ah ee Berbera.
Sidoo kale warbaahinta ugu afka dheer Yahuudda ayaa dhawaan qoraysay warbixinno ay diiradda ku saartay muhiimadda uu maamulka gumeystaha Sahaayuuniyada uu u leeyahay dhulka istaraatiijiga ah ee Somaliland oo dhaca geeska qaaradda Afrika.
Deegaanada uu ka armiyo maamulka ridada Somaliland ayay ku tilmaameen inay tahay buqcad uu maamulka Yahuuddu ka sugi karo ammaanka Talaabiib iyo goobaha kale ee uu xoogga ku heysto ee ka mid ah dhulka Filistiin. Taas oo ay sheegeen in ay ku suurtoobi karto oo kaliya dal madax bannaan oo loo aqoonsado maamulkaan ka dhisan gobollada waqooyi ee la baxay Somaliland.