Mareykanka oo Gudaha Yeman ka Fuliyey Duqeymo Xoogan.

Oct 6, 2024

Milatariga dowlada saliibiga ee Mareykanka ayaa sheegay in weeraro ay ku qaadeen kooxda Xuutiyiinta ee ay taageerto Iran ee Yemen, iyaga oo duqeeyay 15 bartilmaameed. Pentagon-ka ayaa sheegay in weerarkan loo adeegsaday diyaarado iyo maraakiib, si loo ilaaliyo maraakiibta Yahuudda ee isticmaala badda Cas iyo gacanka cadmeed.

Qaraxyo badan ayaa laga soo sheegay magaalooyinka waaweyn ee Yemen, oo ay ku jirto caasimadda Sanca. Kooxda Xuutiyiinta ayaa tan iyo bishii Nofeembar waxay weerar ku qaadeen ku dhawaad 100 markab oo ku sugan Badda Cas, iyaga oo afduubtay laba ka mid ah. Xuutiyiintu waxay sheegaan in weeraradaasi ay yihiin aargudasho ka dhan ah duullaanka gardarrada ah ee ciidanka Sahaayinadu ku hayaan shacabka magaalada Qaza.

Taliska Dhexe ee Mareykanka ee xoogga ku jooga dhulka Jaziiradda carabta ayaa sheegay in weerarada ay diiradda saareen nidaamyada hubka, saldhigyada, iyo qalabka kale ee wakiillada Iiraan wadanka Yemen

Warbaahinta Xuutiyiinta ayaa sheegay in caasimadda Yemen, Sanca, ay ka mid tahay magaalooyinka la duqeeyay.

Isniintii lasoo dhaafay ayay maleeshiyaadka ka dagaallama dalka Yemen waxay soo rideen diyaarad drone ah oo nuuceedu yahay MQ-9 Reaper taas oo ay milkiyadeeda laheyd dowladda Mareykanka.

Isbuucii lasoo dhaafay ayay diyaaradaha dagaalka maamulka Yahuudda waxay duqeymo laayaan ah ka geysteen magaalada dekadda leh ee Alxudeyda taasi oo dhacda galbeedka Yemen waxaana duqeymahaas ku dhintay illaa 3 ruux oo shacab ah.

FAAFREEB PRO