Mareykanka oo Isku Waafaqi la’a Qaabkii uu Yuhuuda u Gaarsiin Lahaa Kaalmo hor leh.

Nov 14, 2024

Sida lagu waramayo  gudaha Mareykanka ayaa wali la isku fahmi la’ayahay qaabkii yuhuuda loo gaarsiin lahaa taakulo millitari oo qiima ahaan ku keceysa 20 Bilyan oo dollar.

Sida wargeyso badan ay kasoo xiganayaan shabakada Ameerikaanka ah Axios golaha sanadka Mareykanka ayaa weli hortaagan kaalmo milliatari oo ay Washiton dooneysay iney muddo dhow gaarsiiso xukuumada ma dhaleyska ah ee isugu yeerta Israel.

Senator Bernie Sanders oo kamid ah raga ugu waqtiga dheer golaha sanadka Mareykanka dhanka kalna lagu tilmaamo inuu kamid yahay raga aanan sinaba ra’iyigooda looga talaabin ayaa kamid ah madaxda ku hor gudban in saanadan la gaarsiiyo kayaanka sahaayinada.

Biden ayaana qorsheyay inuu Natanyaahu uu kaalmada ciidan ku wareejiyo ka hor inta uusan xafiiska ka tagin 20 misha 1-aad ee sanadka soo scda 2025, basle taas ayaa hada u muuqata mid fashil ku socota, maadaama Mareykanka isaga dhaxdhiisa uu wali isku waafaqi la’ayahay qaabkii uu sahayinada u siin lahaa hubkan loo qorsheeyey in lagu laayo abriyada reer Filistiin.

FAAFREEB PRO