Mareykanka oo ka Baxaya Dalalka ugu Waaweyn ee Ruushka Xadka Lawadaaga.

Feb 18, 2025

Dowladda Mareykanka ayaa dooneysa iney ciidamadeeda sida ugu dhakhsiyaha badan uga saarato ilaa 3 dal oo kamid ah kuwa Baltic ee xuduudka dheer la wadaaga wadanka Ruushka.

Sida ay baahiyeen wargeysyada maalinlaha ah ee The Sun iyo Financial Times Donald Trump ayaa doonaya in ciidankiisa uu kala baxayo dalalka Estonia, Latvia iyo Lithuania ee xadka la leh Ruushka, tan oo qeyb ka ah wada-xaajoodka ka furmaya Sacuudiga ee u dhaxeeya Trump iyo Putin ee lagu doonayo in lagu soo afmeero colaada Kyev iyo Moscow.

Waxaa sidoo kale lagu waramayaa in midan ay hoos u dhigeyso xiisadda labada dhinac hoos iyadoona markaas ay suuragal noqon doonto in la gaaro heshiiska waliba si dhinacyadu ay ku qanacsanyihiin, ayaa lagu yiri xogaha soo baxay.

Sida lagu waramayo go’aankan, wuxuu waji gabax ku noqonayaa dalalka Yurub kuwaasoo u akayay joogitaanka ciidanka Mareykanka ee dalalka dhaca Baltic-ka inay ka dhigantahay aag difaac oo khatarta Ruushka ee Yurub uga hortagayo Mareykanka, balse hadda Ruushka wuxuu heli doonaa marin xor ah oo Yurub dhex geynaya isagoo adeegsanaya cir iyo bad intuba filanayan howgaladda uu doono.

FAAFREEB PRO