Mareykanka ayaa sheegay in khatarta ugu weyn ee reer yurub aysan maanta ahayn dalalka Aaasiya balse ay tahay mid ka jirta gudaha.
Sida ay daabacaday majalada Newyork Times madaxweyne ku xigeenka Mareykanka ayaa mid mid u dhaleeceeyay wadamada Yurub, xilli uu ku sugnaa dalka Jarmalka kana qeyb galayey shirka Amniga aduunka, wuxuuna sheegay in dhibaatada iyo khatarta Yurub aysan ahayn Ruushka iyo Shiinaha, balse taa beddelkeedu dhibtu ay ka jirto gudaha dalalka Yurub.
Waxaa xusid mudan in ninkan markii uu hadalkaas lahaa uu u muuqday mid dhaleeceynaya siyaasadooda soogalootiga, kororka muslimiinta Yurub iyo qaar kamid ah waxay ugu yeeraan xuriyatul qowlka maadaama dadyow badan oo ku nool yurub ay waayahan wajahyaan caburin xoogan.
Gunaanudkii sida la tibaaxayo Trump iyo maamulkiisa ayaa tan iyo markii ay xafiiska la wareegeen waxay bannaanka usoo saareen daciifnimada Yurub , iyagoo dhexda u geliyay xaalad argagax leh oo lagu muujinayo sida ay u yihiin kuwa aan lahayn awood difaac oo ku filan illaa Trump uu sheegay inan wax door ah Yurub laga siin doonin wada-xaajoodka lagu joojinayo dagaalka Ukraine.
FAAFREEB PRO