Mareykanka oo si Kama Dambeys ah u Jartay Kaalmadii uu Siin Jiray Dalalka Dibada.

Jan 25, 2025

Sida lagu waramayo Mareykanka ayaa si kama dambeys ah usoo saaray war uu ku sheegayo inuu joojiyay guud ahaan kaalmadii kala duwaneyd ee uu siin jiray dowladaha kala duwan ee caalmka.

Sida uu shaaciyey xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Marco Rubio xukuumada cusub ee Donald Trump ayaa si rasmi ah u jareysa kaalmadii dhaqaale ee ay siin jireen dowladaha caalamka oo ay ugu weyntahay Ukrain, taasoo lagu waramayo iney saameyn doonto xukuumado badan.

Balse waxaa xusid mudan in maamulka yuhuuda iyo Masar aysan ku jirin liiska kuwa laga jarayo dhaqaalaha, waxayna sidaas ku noqonayaan kuwa kaliya ee kaalmada dhaqaale iyo mida militari ee Mareykanka sii heli doona.

Waxaa tan iyo markii la caleema saaray Trump warbaahinta ku jiray arinkan ah in xukuumada Washington ay dowladaha caalmka ka jaraneyso dhaqaaleheeda, balse ugu dambeyn qabarkan ayaan soo baxay, waxa uuna hada waa cusub oo jaha wareer ah u dilaacay xukuumado daba dhilif u ahaa Mareykanka kana heli jiray san dareerto yar, tusaalaha ugu dhowrna uu yahay kooxda ridada ee fadhigeedu yahay magalaada caasimada ah ee Muqdisho.

FAAFREEB PRO