Mareykanka oo Soogalooti Fara Badan ka Dajiyey Xabsiga Guantánamo Bay.

Feb 8, 2025

Sida uu daabacay joornaalka Newyork Times nidaamka Donald Trump ayaa dufacadii ugu horeysay ee soogalooti ah waxa uu saacadihii lasoo dhaafay iyagoo jeebeysan ka dajiyey xabisiga Guantánamo Bay iyagoo uu sheegay iney ku eedeysanyihiin arimo dhowr ah halkii dalkooda dib loogu celin lahaana laga doorbiday in xabisgan waqtigooda ay ku qaataan.

Kooxdan halkaas laga dajiyey ayaa la sheegay inay yihiin kuwa khatartoodu ay sarreyso gudaha dalka Mareykankana ay ka geysteen falal dhowr ah oo dhibaato dhaliyey, hadii dib wadamadoodu logo tarxiilo ayaana la sheegay in xukuumada Washington ay ka baqaneyso iney khatartooda markale kusoo laabato.

Maamulka cusub ee Trump ayaa sii dardar galinaya musaafurinta soo galaootiga inta mudada ah ku sugan gudaha dalka Mareykanka, waxayna talaabadaan ka careysiisay dalal badan oo ay muwaadiniitoodu ku sugnaayeen gudaha Mareykanka, sida Brazil iyo Colombia.

FAAFREEB PRO