Mareykanka ayaa shaaciyey kaalmo militari oo hor leh oo uu u fidinayo xukuumada Kiyev ee uu loolanka qaraar kala dhexeeyo Moscow.
Waxay saxiifadu sheegeysaa in Washington ay bixineyso shixnad militari oo ku keceysaa aduun lacageed oo gaaraya 375 Milyan oo doolar, taasoo isgu jirta hubka qeybeheeda kala duwan, iyo agabyada muhiimka ah ee loo arko iney hesho dowladda Ukrain.
Sida ay xoguhu tibaaxayaan shinaxnadaan waxaa qeyb ka ah rasaasta loogu talagalay gantaalaha Hymars, ee nuucoodu yahay kuwa la hago, waxaa sidoo kale meesha aanan ka marneyn oo kaalmadaas qeyb ka ah bambooyinka iyo baabuurta ciidan ee loo adeegsado fulinta howgalada fudud.
“Mareykanka waxaa ka go’an in Ukraine ay iska difaacdo gardarrada arxan darada ah ee kaga imaaneysa dhanka Ruushka, kaalmadaan millitari ee cusubna sida ugu dhaqsiyaha badan ayey u gaari doontaa ciidamada Kiyev” waxaa sidaas yiri xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Anthony Blinken.
Waxaa dhanka kale xusid mudan in madaxweynaha dalka Ukrain oo hada ku sugan magaalda New York kana qeyb galaya shirka golaha guud ee QM, uu codsaday kaalmo kale oo millitari iyo isgarab tag ka balaaran midka ay hada u muujiyaan reer yurub.
Waxay ugu dambeyntii majaladu sheegeysaa in tan iyo markii uu xilka yimid Joe Biden bishii Febraayo 2022-na uu qarxay dagaalka hada ka dhax socda Ruushka iyo Ukrain, ay Washington Kiyev siisay aduun lacageed oo gaaraya ilaa 175 Bilyan oo Doolar.
FAAFREEB PRO