Sida uu ku waramayo wargeysyada Kyev Idependent maamulka cusub ee Trump ayaa ugu hanjabay Ukraine inay ka jari doonaan adeegsiga Internetka dayax-gacmeedka ku xiran ee Starlink oo ah shirkad uu leeyahay Elon Musk, taasoo hadii ay dhaqan gasho noqon doonto albaab dhibaato oo hor leh oo ku furmay xukuumada Zlansky.
Xukuumda Washington ayaa la sheegay in midan ay sameyn doonto haddii aysan Kyev oggolaan heshiiska macdanta qaaliga ah ee Ukrain, taasoo Mareykanku in muddo ah uu u hanqal taagayo doonayana inuu qoto.
Internetka Starlink ee maamulka Trump sheegay inuu ka jaranayo Ukrain waa midka kaliya ee ciidanka iyo dadka Ukraine ay maanta adeegsadaan, haddii la xirana waxay ka dhigantahay inuu lumay khadka adeegga Internetka ee guud ahaan Ukraine, iyadoo ay adkaan doonto in qabar dambe laga helo dhanka wadankaas.
Gabagabadii Mareykanka ayaa midan u arka cadaadis uu ku rumeyn karo riyadiisa macdanta, dhanka kalana qaab sandluyo ah Ukrain ugu qasbi kara iney sidiisa u aqbasho heshiiska lagu karkarinayo Riyaadh ee la doonayo in colaada kala dhexeysa Ruushka lagu soo afmeero.
FAAFREEB PRO