Sida uu daabacay joornaalka Yeni Safak waaxda difaaca iyo wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa maanta ansixiyay in yuhuuda lagu wareejiyo gantaall loogu magac-darray ( AGM-114 Hellfire ) kaas oo ah nuuca aanan seereyn hadana geysta xasuuqyada jamaaciga ah maadaama xadigiisa muuqaal ahaaneed iyo kiimikada ku jirtaba ay yihiin kuwa sareeya.
Gantaalkan oo qiima ahaan halkii xabo oo ku fadhiyo malaayiin dollar ayaa ah mid cusub oo aanan horay looga adeegsan saaxooyinka casrigan lagu loolamayo, waxa uuna maamulka Trump ugu talagalay in lagu ciribtiro muslimiinta reer Filistiin ee ku sugan dhulkooda.
Hellfire sidoo kale waxaa lagu waramayaa inuu yahay mid ka leexan kara dhismayaasha iyo goobaha kala dheer illaa uu ka gaarayo bartilmaameedkiisa, sababtuna waa inuu yahay gantaal la maamullo inta uu gaarayo goobta hadafka loogu tala galay.
Sidoo kale maamulka cusub ee Trump ayaa bixiyey kaalmo isugu jirta rasaas iyo agab kale oo dagaal oo qiimahoodu yahay $6.75 bilyan uu Mareykanka gaarsiin doono maalmaha soo aadan yuhuuda, waana sida uu xaqiijiyey Pentagon-ka.
Tani dabcan waxay kusoo aaday ayaa la oran karaa xilli 4 maalmood ka hor uu Binyamin Natanyaahu gaaray gudaha magaalada caasimada ah u ah mareykanka, isagoona halkaas kulamo kula qaatay Donald Trump, sida iska cadna deeqadan militari waxay kamid tahay waxyaabaha ay dhinacyadu isku afgarteen.
FAAFREEB PRO