Markab Laga Leeyahay Dalka Ingiriiska oo Lagu Weeraray Gacanka Cadmeed.

Aug 4, 2024

Markab ay leedahay dowladda saliibiyadda ah ee Ingiriiska ayaa markale lagu weeraray xeebaha gacanka khaliijka carabta waana sida ay soo tebinayaan warbaahinada reer galbeedka intooda badan.

Ciidanka dhanka badda u qaabilsan Ingiriiska ayaa sheegay in Markab ganacsi lagu beegsaday Gantaal culus xilli uu marayey gacanka Cadmeed, saacado kadib markii jugta qarax laga maqlay meel ku dhow markabkaasi oo ay weerareen rag ka tirsan Xuuthiyiinta ee fadhigoodu yahay Yemen.

Sidoo kale hay’adda hawlaha ganacsiga Badaha u qaabilsan Ingiriiska, iyo ciidanka Badda ee Ingiriiska, ayaa si wadajir ah usoo saaray bayaan, kaasoo ay ku sheegeen in markabka la beegsaday uu dhaliyay khasaare maaliyadeed iyo in gantaalka kadib ay daateen qayb ka mid ah naftadii uu Marakabku siday, wax dab ah in uusan jirin ayay intaas ku dareen.

FAAFREEB PRO