Markab sirdoon oo uu leeyahay Ruushka ayaa ku gubanaya badda Mediterranean-ka ee ku dhow dalka Suuriya, waxaana baraha kala duwan ee Internet-ka mar qura isla qabsaday hadal heyntiisa maadaama xukuumada Moscow uu ugu fadhiyey muhiimad gaar ah.
Sida uu daabacay joornaalka Newyork Post, waxaa badda Mediterranean-ka ku ololaya markabka Kildin oo ah mid sirdoon ayna leedahay dowladda Ruushka kaas oo ku jiray socdaal safar, xaaladiisa ayaana sida lagu waramayo sii xumaaneysa marba marka ka dambeysa.
Xogta ayaa intaasi ku dareysa in shaqaalaha la socda markabkan ay diiddeen inay ka jawaabaan iskuday ay maraakiib ururka NATO ay ku doonayeen inay u gurmadaan, si ay uga garab siiyaan daminta dabka ka dhax ololaya gudaha markabkan waana sida inta badan joornaaladu ay kasoo xiganayaan wakaaladda wararka ee AP.
Sida faahfaahinadu ay bixinayaan markabka Kildin waxaa ku xiran tiknoolajiyad elektaroonik ah ee lagu basaaso isgaarsiinta iyo dhaqdhaqaaqyada kale, wuxuuna ku jiraa dhowr markab oo ay si weyn halistiisa isaga ilaaliyaan dalalka reer galbeedka, sabab la xiriirta cabsi ay ka qabaan inuu dhex gelo shabakadahooda isgaarsiinta, internetka iyo tamarta, wuxuuna leeyahay nidaam uu ku fulin karo weerarro xaga elektaroonik, sida inuu hawada ka saari karo korontada ama uu fuliyo qaraxyo gaar ahaan kuwa ka dhasha korontada, iyadoo ay intaa sii dheertahay in markabkan uu hakad galin karo kaabashaasha elektarooniga oo ay ku jiraan tareennada iyo gaadiidka dadweynaha, waana sababata ay hada uga cararayaan garab siinta NATO.
FAAFREEB PRO