Masar oo Gaashaanka u Daruurtay Eedeyn Kaga Timid Xaga Yuhuuda.

Sep 4, 2024

Dowladda Masar ayaa iska diiday eedeyn uga timid xaga maamulka yuhuuda oo sheegeysa inay fududeysay sidii hub kala duwan loogu dusin lahaa kooxaha muqaawamada Filistiin.

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay canaawinta ugu horeysa ee majaldaha dunida qabsaday eedeyn kulul oo ka timid xaga maamulka isugu yeera Israel, isagoona xukuumada Qaahira ku eedeynaya inay kaalin lixaad leh ay ka qaadatay daabulida hub xadigiisu uusan yareen oo la doonayey in la gaarsiiyo xoogaga Filistiiniyiinta, waliba iyadoo loo marinayo cirifka fog ee Philadelphi.

Sidoo kale maamulka gumeystaha ayaa sheegay in Masar ay talaabadaan u sameyneyso si ay u carqaladeyso heshiiska xabad joojineed ee la karkarinayo, Urdun iyo Qadar-na ay u muuqdaan kuwa iska indha tiraya waxa ay ku keceyso xukuumada uu hogaamiyo Cabdi Al Fataax Al siisi.

Kadib soo yeeritaankii eedeyntaas ka timid xaga yuhuuda, waxaa saacado kooban kadib soo jawaabtay dowladda Masar, waxaana war kasoo baxay wasaarada arimaha dibadda Qaahir lagu cadeeyey in ay bari ka yihiin wax walba oo kasoo yeeray xukuumada uu hogaamiyo Binyamiin Natanyaahu, ayna u arkaa mid been abuur ah.

Masar ayaa sidoo kale war qoraalkeedan ku sheegtay in Natanyaahu uu midan ka damacsanyahay inuu ku jeediyo ra’ayul caamka bulshada, uuna doonayo inuu hakad galiyo heshiiska xabad joojineed ee uu ka caga jiidayo mudooyinkan dambe, balse ay shacakiisu ku cadaadinayaan.

Sidoo kale xukuumada Al-Qaahira ayaa hadal goodis ah ku lifaaqday warsaafadeedkeedan ay isku bari yeeleyso, waxayna sheegtay in cawaaqib aan la mahdin ay ka dhalan karto hadalada qaar ee been abuurka ah ee kasoo yeeraya maamulka isku magacaabay Israel.

Si kastaba ha ahaatee markii aad indha indheyso baraha kala duwan Internet-ka, eedeyntan ka timid dhanka maamulka Yuhuuda ayaa lagu fasirtay mid uu Natanyaahu doonayo in uu ku abuuro azamo kale oo kala geyn karta dhinacyada garbinaya heshiiska xabad joojineed ee la doonayo in loosoo dabaaliyo gudaha Qaza.