Masar oo Sheegtay in Ay Soomaaliya Usoo Dirayso CIidamo CuSusb oo Qeyb Ka Ah AUSSOM.

Dec 24, 2024

Dowladda dabadhilifka Masar ayaa sheegtay in ciidamadeedu ay ku biiri doonaan dullaan galeedka AUSSOM ee lafilayo in uu badelo kuffaarta ATMIS.

Xukuumadda Riddada Masar ayaa shaacisay in ciidamadeedu ay qayb ka noqon doonaan dulaanka galeedka cusub ee loo qorsheynayo in uu bedali doono calooshood ushaqeystayaasha kufaarta afrikaanta ATMIS ee dulaanka ku jooga dalka soomaaliya. sida uu sheegay wasiirka arimaha dibada Masar ninka lagu magacaabo Badar abdilcaaddi ( بدر عبد العاطي).

isagoo shir jaraa’id ay wada qabanayeen wasiirka arrimaha dibadda kooxda Ridada soomaaliya ayuu wasiirka khaarijiga Masar xaqiijiyay in ciidamadoodu ay isku diyaarinayaan sidii ay ugu safri lahaayeen Masar si ay qeyb uga noqdaan isbahaysiga cusub ee AUSSIOOM kaasi oo weli aan helin taageerada dhaqaale ee dowladaha reergalbeedka.

Wuxuu carrabaabay in Masar aysan ogolaan doonin in tallaabooyin hal dhinac ah ay ka dhaqangalaan geeska afrika iyo in kooxda ridada wax loo yeeriyo isagoo uduur xulayay dowladda Xabashida Itoobiya balse xukuumadda dabadhilifka Masar ayaan soo hadal qaadin ballan furkii uu ku sameeyay Xasan Gurguurte kaasi oo bishan gudaheeda Itoobiya siiyay qeyb ka mid ah badda soomaaliya.
cod1.

Dabayaaqadii isbuucii lasoo dhaafay mas’uuliyiinta ugu sarraysa xukuumadda Masar ayaa kooxda ridada soomaaliya ku canaantay heshiiskii khiyaanada ahaa ee Ankara kadibna Xasan Gurguurte ayaa wasiirkiisa arrimaha dibadda udiray magaalada Alqaahira si uu usoo raalli geliyo Alsiisi.

Inkastoo kooxda riddada ay ogolaatay in ciidamada xabashida Itoobiya ay sii joogaan soomaaliya ayaan hadane hadane la ogeyn in ay kasii mid ahaan doonaan isbahaysiga cusub ee AUSSOM iyo inkale sababa laxiriira dowladaha afrikaanta oo horay ukala qeybsaday saamiga ciidamada kolkaas oo itoobiya laga reebay.

Falanqeeyaasha ayaa sheegaya in mustaqbalka ay soomaaliya noqon doonto fagaare ay isku herdiyaan quwadaha caalamiga ah kuwaas oo khilaafkoodi usoo raray dalkan beyllaha ah ee dhaca mandiqadda istiraatiijifa ah.

warkan wasiirka masra ayaa imaanaya iyadoo shalay dowlada ridadu ay wafdi u dirtay itoobiya kaas oo la shegayo inay soo saxiiyaaan heshiski qeyb ka mid ah bada lagu siinaayay dowlada itoobiya.

iyadoo isla shalayna ciidadamada kufaarta itoobiya ay askar badan oo kooxda ridada katirsan ku dileen dagaal ka dhacay degmada Dooloow halka qaar kalena ku afduubteen.