Majalda Haarataz ayaa daabacday maqaal tibaaxaya in dilka hoggaamiyaasha muqaawamada uu hor seedi doono in maxaabiista yuhuuda dib guryoohooda loogu celiyo iyagoo naxash lagu sido.
Dhanka kale saxiifadan ku hadasha afka sahiiyinada ayaa maamulka gumeytaha ugu baaqday in Natanyaahu uu aqbalo heshiis xabad joojineed iyo mid maxabiis isdhaafsi, si ay u dagto carada bulshada yuhuuda ayna u suuragasho in maxabiistooda ay dib usoo laabtaan iyagoo nool.
Waxay warbixinta saxiifada soo hadal qaaday dilkii loo geystay madaxii xafiiska siyaasada muqaawamada Ismaaciil Haniyah iyo Fu’aad Shugri, iyadoona tibaaxday in midaas aysan waxba ka badalin saaxada dagaalka, ayna kaliya hog kusii riday rajadii laga qabay soo furashada maxaabiista ku irta gacanta muqaawamada.
Sidoo kale saxiifada oo soo xiganeysa qaar kamid ah ehelada la heystayaasha ayaa sheegtay, in familadan ay si aad ah uga walaacsanyihiin masiirka dadkooda, iyagoona aaminsan in hadii uu Binyamin Natanyaahu uu kusii adkeysto sii wadi dagaalka ay weyn doonaan nolosha maxaabiistooda.
Dhana kale waxaa xusid mudan in saacadihii lasoo dhaafay uu hadal kasoo yeeray kooxaha muuqaawamada Filistiin, iyagoona si cad u sheegay in hadii ay Yuhuuda isku dayaan dhaq dhaqaaq qaldan oo ay ku doonayaan iney kusoo furtaan maxaabiistooda la leyn doono dhamaan la heystayaasha.
“Ku adkaysiga Netanyahu ee ah in maxaabiista lagu sii daayo cadaadis militari , halkii ay heshiis ka gaari lahaayeen, waxay la macno tahay in lagu celin doono qoysaskooda iyagoo naxash ku jira.” Waxaa sidaas yiri afhayeenka kooxaha muqaawamada Abuu Cubeyda.
Galka maxaabiista yuhuuda ee ku jirta gacanka iska caabinta Filistiiniyiinta ayaa mudooyinkan dambe noqday mid ka xasaasisan sidii hore, gumeystaha iyo shacabkiisa ayaana wada sugaya talaabada xigta ee ay ku dhaqaaqi doonaan xoogaga muqaamada ee ku aadan maxaabiistooda faraha badan ee la hayo mudada fog.
FAAFREEB PRO