Masuul ka Socda Xukuumada Ankara oo Gaaray Magaalada Addis Ababa.

Aug 3, 2024

Magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya waxaa gaaray wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda dowladda dabadhilifka Turkiga ninka lagu Hakaan Fidaan.

Abiy Axmed ayaa wasiirkan Turkiga ah ku qaabilay qasriga madaxtooyada Itoobiya, wakaaladda wararka ufaafisa xukuumadda Ridada Turkiga ayaa sheegtay in socdaalka wasiirka khaarijiga uu salka ku hayo laba arrin oo kala ah xoojinta xiriirka udhaxeeya Xabashida iyo Turkiga iyo sidii xal loogu heli lahaa wax ay ugu yeertay murunka ka taagan biyaha badda cas.

Turkiga ayaa in Itoobiya ay sheegato badda Soomaaliya u arka khilaaf siyaasadeed isagoo isku dayaya in uu kooxda Ridada ee uu madaxda ka yahay Xasan Gurguurte ku qanciyo in ay hoos udhigto khilaafka kala dhaxeeya Addis Ababa.

Xukuumadda Anqara oo bilo ka hor lagu wareejiyay badda Soomaaliya ayaa isku dayaysa in Itoobiya oo iyana lasiiyay qeyb kamid ah biyaha Soomaaliya kala showrto sida ay dhinacyadan uqeybsan lahaayeen badda umadda Soomaaliyeed.

Kulan bishii Juun ee lasoo dhaafay ka dhacay Anqara oo Turkigu garwadeenka ahaa laysuguna geeyay wasiirrada arrimaha dibadda Itoobiya iyo kooxda Ridada ayaa fashil kusoo idlaaday.

Dowladda Xabashida ayaa doonaysa in ay dhaqan geliso heshiiskii xaaraanta ahaa ee ay lasaxiixatay Muuse Biixi Cabdi halka Turkigu uu doonayo in khilaafka arrinkaas ka dhashay uusan saameyn mashruuciisa uu ku boobayo kheyraadka dhax ceegaaga badda Soomaaliya.

Dhinaca kale wasiirka arrimaha dibadda Turkiga wuxuu sheegay in ay xoojin doonaan iskaashiga,dhaqaale,difaac iyo amni ee kala dhaxeeya dowladda Itoobiya islamarkaana ay sare uqaadi doonaan maalgashiga dhaqaalaha Itoobiya.

Xiriirka udhaxeeya labadan dowladood ayaa sii xoogeystay wixii ka dambeeyay sanaddii 2020-kii kolkaas oo uu qarxay dagaalkii gobolka Tigray, Turkiga ayaa larumeysanyahay in uu badbaadiyay nidaamka Abiy Axmed kadib markii uu saaxada dagaalka soo geliyay diyaaradihiisa Drones-ka ah.

Wax is dhaafsiga ganacsi ee udhaxeeya Turkiga iyo itoobiya ayaa sanaddii 2023-kii gaaray 345 Milyuun oo dollar, waxayna labdan dowladood ee cadowga ah dagaal uga jiraan Soomaaliya.