Mas’uuliyiin Katirsan Maamulka Ridada Hiirshabeelle oo Dil ka Badbaaday.

Feb 11, 2025

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellada-Dhexe ayaa ku waramaya in halkaasi ay ka dhaceen dagaallo udhaxeeya maleeshiyaat murtadiin ah oo kawada tirsan maamulka ridada Hiirshabeelle.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii maleshiyaatka loogu yeero Macawiislayda ay weerar dhabagal ah udhigeen masuuliyiin katirsan maamulka murtad Cali Guudlaawe oo kasoo baxay deegaanka Ceel-Baraf kuna sii jeeday dagmada Aadan Yabaal.

Dagaalka ayaa si gaar ah waxa uu uga dhacay deegaanka Xalfoolley, waxayna dhinacyadu wararku ay sheegayaan in in mudo ah ay iswaydaarsanayeen rasaas.

Weerarkaasi waxaa ka badbaaday Xasan DHicisow oo ahaa taliyihii maleeshiyaatka Booliska maamulka ridada Hiirshabeelle oo kamid ah murtadiintii lasocotay kolonyada la weeraray.

Sidookale Cali Xuubeey oo isagana ah sargaal katirsan maleeshiyaatka Kooxda Ridada Soomaaliya ayaa kamid ah murtadiinta badbaaday, waxayna wararku sheegayaan inmid kamid ah istaafkooda uu gaaray dhaawac garaab ah.

Si guud lama oga heerka uu gaarsiisanyahay khasaaraha ay dhinacyadu is gaarsiiyeen, balse waa qeyb kamid ah kala qeybsanaanta ka dhaxjirta maleeshiyada ridada oo dhamaantood ah kuwa u carbisan gaalada saliibiyiinta ah si ay ugu fushadaan ajanadahooda ashahaado ladirirnimo.