Maxaa Baajiyey Safarkii Biden ee Taliyaaniga ku Wajahnaa?.

Jan 9, 2025

Joe Biden ayaa joojiyay safar uu ku tagi lahaa wadanka Talyaaniga kadib markii dab halaag xoogan geysanaya uu ku kacay gobolka California ee dalka Mareykanka.

Sida uu daabacay joornaalka Politico Joe Biden ayaa ka baqday safakiisii ugu dambeeyey oo uu doonayey inuu ku tago magalaada Roma ee dalka Taliyaaniga halkaas oo uu doonayey inuu kulan kula qaato Popka Faatikaanka, waxaana baaqashadiisa loo aaneynayaa dab xoogan oo tan iyo shalay ka holacaya magaalada Los Angeles ee gobolka California.

Dabkan xoogan ayaa ku faafay dhul balaaran, waxaana jira khasaara nafeed, halka la barakiciyey boqolaal qoys oo hadda wajahaya xaalado liita.

Dabka ka kacay magaalada Los Angeles iyo kuwa kale ee ku hareereysan ayaa bas beeliyey dhismayaal dhaadheer, iyadoona baraha kala duwan ee Internet-ka lagu arkayo sawirro is barbar dhig ah oo lagu sameynaya xerada Jabayaaliya ee marinka Qaza iyo magaalooyin waaweyn oo ku yaala gobolka California oo isku mid noqday, taasoo ay bulshada islaamka ku tilmaameen mid gaalada lagu cibra tusayo.

Biden iyo baadarigan ayaa doonayey iney wada qaataan kulan xasaasi ah oo dhinacyo badan daaran ka hor inta uusan Joe Biden xafiiska ka tagi 20 January, waana sida ay inta badan xusayeen warbaahinada wax ka daabacay qodobkan.

FAAFREEB PRO