Maxaa BRICS ka Hortaagan soo Saarista Lacagta Cusub ee Balan Qaadeen.

Dec 15, 2024

Macquul ma tahay in BRICS ay sameyso lacag beddesha dollar-ka Mareykanka? waa su’aal inta badan waayahan kusoo noq noqtay misaska siyaasada caalamka, jaraa’idyo kala duwan sida foreign policy ay ka daabeceen warbixino xasaasi ah.

Waxaa ugu horeyntii lagu waramayaa in ururka BRICS uu hadda u muuqdo mid gaabis uu kaga yimid xaga soo saarista lacag cusub oo badal u nooqta Dollarka, sababtuna waa in Mareykanka uu si cad ugu hanjabay dalalka ururukan qeybta ka ah in badecadohooda oo idil uu kusoo rogi doono canshuur xad dhaaf ah hadii ay isku dayaan iney soo saaraan lacag badiil u ah Dollarka, taasina ay baqdin galisay wadamada ugu tunka weyn BRICS sida Hindiya iyo Brazil.

Dhanka kale falanqeeyayaasha ayaa sheegay in kalsooni darrada iyo kala duwanaanshaha dhinaca aragtida ee u dhexeysa xubnaha waaweyn ee BRICS ay tahay mid sii sara mareysa waayadaan dambe, sida Hindiya iyo Shiinaha oo caqabad weyn ku ah in horay loogu dhaqaaqo soo saarista lacagtan cusub.

New Delhi ayaana aamisan ineysan jirin wax la dhoho lacag dowladdo ka wada dhexeysa, kaliyana ay shaqeyn doonto midaas muddo kooban, wixii ka dambeeyana maamulka lacagtaas uu gacanta u gali doono Beijing maadaama ay tahay dal awood leh oo loo babac dhigo karo Mareykanka marka laga hadlayo xaga ganacsiga iyo suuqyada caalamiga ah.

Si kastaba ha ahaatee hada gudcur ayuu ku jiraa heshiiskan ay gaareen dalalka qeybta ah BRICS kaasoo ay ku doonayeen iney dhulka kula galaan heymanadii dollarka, saadaashuna marba dhinac ayey u ciireysaa waasa laga dhursugi doonaa wixii soo kordha.

FAAFREEB PRO