Xilli wali ay taagantahay hadal-heynta ka dhalatay hadalkii maalmo ka hor kasoo yeeray dowladda Jabuuti ee ahaa iney bad siinayaan Itoobiya, iyagoona sheegay in midaas ay u sameynayaan waxay ugu yeereen xal u helida xasadaha kasoo cuboonaaday gobolka geeska Afrika, ayuu hadlay mid kamid ah xildhibaanada ugu sar sareeya golaha baarlamaanka wadankaas.
Murtad Cabdoow Ciise Bullaale oo kamaid ah xubnaha ugu sareeya ee baarlamaanka Jabuuti ayaa wareysi uu siiyey mid kamid ah warbaahinada laga leeyahay dalka mareykanka waxa uu si buuxda ugu cadeeyey in Itoobiya ay Dekeda Tadjoura oo 100 km u jirta xuduudka Itoobiya ay si buuxda ugu wareejin doonaan xabashida.
Waxa uu ninkan ku cel celiyey in raali ay ku yihiin in Itoobiya ay xayuubsato badaas, ayna ka sameysato waxa ay doonto.
“Madaxweynaha iyo dowladiisu waxay qaateen qaraar ah in Itoobiya ay maamusho dekeda Tadjoura, kaalaya imaada oo maamusha si boqolkiiba boqol ah, bad ayaan rabnaa sooma dhihin kaalaya imaada oo qaata oo maamusha” waxaa sidaas yiri Murtad Cabdoow Ciise Bullaale.
Dhanka kale waxaa la aaminsanyahay in dowladda Xabbashida Itoobiya ay dooneyso saldhig xaga badda ah iyo deked ay iyagu xayuubsato, oo aysan dooneyn marin kaliya ay wax ka dhoofiso loogana soo dhoofiyo.
Taaso dabcan ka dhigan in Itoobiya aysan wax xiiso ah hada ku heyn in Jabuuti ay siiso deked ay iyadu maamuleyso maaadaama damaca iyo hanqal taagu uu intaasi ka badan yahay, waana sida ay aamisanyihiin siyaasiyiin badan oo ajaanib ah misana u dhoon daloola arimaha gobolka.
Wali ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka xukuumada uu hogaamiyo Abey Axmed, waxaana dhagta loo wada taagayaa sidii ay uga falcelin lahaayeen arinkaas bulshada Itoobiya.
FAAFREEB PRO