Maxay Iran Weysay Kadib Sanado Badan oo ay Cunaqabateyn ka Wajaheyso Dhanka Reer Yurub?.

Oct 19, 2024

Saxiifada The Economist ayaa daabacday maqaal la xiriira sanado badan oo ay iran cunaqabateeno kala duwan ka wajaheysa dhanka reer yurub, maxay tahay waxyaabaha ugu badan ee la dhihi karo maanta Tehran waa ay weysay, mase tahay mid hada awooda fangareynta lacago malaayiin dollar ah si ay u ilaaliso masaalixdeeda oo idil.

Wargeyska ayaa ugu horeyntii sheegaya in dowladdo badan ay hada u muuqdaa kuwa xaqiiqada ka indha laabanaya, maadaama ay Iran noqotay dowlad leh xulafo kala duwan oo uu ugu tun weyn yahay Ruushka, ayna hada awoodo helida hub nuuc walba ah iyo qarash gareynta balaayiin dollar, waa sida hadalka loo dhigee.

Wasaarada maaliyada Tehran iyo faracyadeeda kala duwan ayaa la sheegay in sanadkii ay kala xawilaan Tobanaan Bilayan oo dollar, iyagoona lacagahaas oo idil marsiiya bangiyada caalamiga ah ee ku yaala qaarada Yurub, waaba adigoo mooda in tani aysan ahayn Irantii cunaqabateena lagu soo rogay ayaa lagu yiri qoraalka majalada.

Saxiifadu waxa ay sheegeysaa in inta ay ku guda jirtay baaritaankeedan ku aadan arinkan, ay ogaatay ineysan waxba ka jirin aragtidii ay qabeen qaar badan oo kamid ah dadka la sheego iney cabqariga ku yihiin gorfeynta siyaasada dunida, taasoo ahayd in Iran ay jilbaha dhulka ku dhufsan doonto kadib waxa dharbaaxooyin ah ee ay ka wajahday dhanka reer yurub, balse midaas ayaa xaqiiqada ka fog ayuu leeyahay wargeyska The Economist.

Waxaa dhanka kale lagu soo waramayaa in Iran xitaa si ay u suuqgeyso badeecooyinkeeda iyadoo ka dhuumaneysa reer yurub ay sameysay falal lidi ku ah qawaaniinta ay dagsadeen qaar badan oo kamid ah xukuumadaha galbeedka, sida in qaab sharci daro ah lagu dhoofiyo saliida ceyriinka si loogu hagaajiyo wadamo kale kadibna lacag kaash ah ay dib ugu soo laabato wadanka.

Waxaana ugu dambeyntii saxiifadu ay tibaaxeysaa in mida ugu daran ee hada reer yurub ka baqanayaan ay tahay in dalal badan oo dhaca qaarada Aasiya marka laga bixiyo Ruushka, ay isku dayaan iney Iran la yeeshaan xiriir ganacsi oo qota dheer, waana musiibo hor leh oo ku habsan doonta galbeedka hadii ay dhacdo midaas ayaa lagu gunaanuday qoraalka wargeyska.