21-Ka Bisha Janaayo ee sanadkan 2025 madaxa kooxda ridada Soomaaliya murtad Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la gudoonsiiyey waxa ay ku sheegeen abaalmarinta hoggaamineed ee Afrika oo ay bixiso Africa House, kadib munaasabad lagu qabtay magaalada Davos ee dalka Switzerland.
Abaalmarinta ayaa la sheegay in Gurguurte uu ku muteystay hormarinta dhaqaalaha Afrika iyo inuu sare u qaaday nolosha dadka Soomaaliyeed, waxa uuna madashaas ka jeediyey hadal uu isugu muujinayo mid dhab ahaantii mudan bilada uuna ku doonayo in dhalanteydkaas uu dhab ugu badalo.
Balse waxa waaqica yaala iyo waxa ay tabanayaan reer Muqdisho waa mid ka duwan sheegashada murtad Xasan Sheekh ee ah inuu sare u qaaday dhaqaalaha Afrika macluushana uu ka saaray shacabka Soomaaliyeed, waxaana warbaahinta saacadihii lasoo dhaafay qabsaday tobaneeyo rayid ah oo kasoo horjeeda bilad ee ay Guguurte siiyeen kooxda Africa House.
Waxay bulshada caasimada sheegayaan in murtad Xasan Sheekh Maxamuud iyo kooxdiisa ay wadanka u horseedeen burbur dhaqaale, dhac iyo barakicin aan abid la arag, waana xilli ay beerka dhulka kuwada hayaan inta badan shacabka Muqdisho shaqo la’aantuna ay dheertahay inta aan soo xusnay.
Waxay ahlu muqdishu intaasi hadalkooda ku darayaan in murtad Xasan Sheekh Maxamuud uusan u qalmin bilada ay siiyeen Africa House, maadaama uusan xitaa lahayn raad dhaqaale wanaajin ah marka laga hadlayo gudaha dalka iskaba daayee guud ahaan qaarada Afrika.
Baal aan wada maqalno qaar kamid ah shacabka Soomaaliyeed qaabkii ay uga falceliyeen markii dhagohooda uu maqlay in Xasan Sheekh Maxamuudkii mariyey waxaas oo dhibaata ah maanta lagu abaal mariyey biladaasi.
COD 1
Tabashooyinka dadka Soomaaliyeed ee ku nool dhulka cadawga iyo jaraa’imta ay kala kulmayaan Xasan Sheekh iyo qowleysatadiisa waxaa sidoo kale kamid ah, in masuuliyiinta kooxda ridada ay maanta yihiin kuwa in ay u nuglaadaan marasta iskaba daayee ku jees jeesaya uguna faanaya hantidooda cadadka ay gaasiisantahay iyo iney taaganayaan daarta ay doonaan dalka xaaladuu doonaba haku jiree.
Waa kan murtad Xasan Sheekh Maxamuud oo si xushoodka laga siibay kaamirada horteeda ugu diganaya dadka dan yarta ah ee uu ka fara maroojiyey hantidii ay heysteen.
COD 2
Xukuumada Muqdisho iyo xukunka Xasan Sheeq ee gadaal iska mariyey mudada 2 sano 8 bilood iyo 8 maalin, waxa kaliya ee ay shacabka Soomaaliyeed maanta ku reebeen waa boob, barakicin iyo in rayidka loo laayo bila sababta nafta ruuxa muslimka ahna loo garto mid ka qiima hooseysa halka xabo ee sigaarka ah, waana sida aan inta badan ku aragno gudaha magaalo walbo oo uu ka arimiyo maamul ka xuubsiibtay shareecada islaamka.
FAAFREEB PRO