Maxay Tahay Hanjabaada Erdogan ee ku Wajahan Wadamada Reer Yuurb?.

Jan 7, 2025

Sida uu daabacay joornaalka Politico madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku hanjabay inuu Turkiga qaadi doono tallaabo deg deg ah oo militari haddii la isku dayo in la kala qeybiyo Suuriya si gaar ahaaneed meelaha ay maamullan kooxda kurdida ee magacooda loo soo gaabiyo SDF.

Madaxa xukuumada Ankara ayaa carabka ku adkeeyay inuu Turkiga awood u leeyahay inuu si dhab ah u qaado tallaabooyin ka hor tag ah, iyadoo markaa ujeddadu tahay in laga hortago iskudayga argagixisada ee soohdinta koonfureed ee Turkiga waa sida uu hadalka u dhigee.

Erdogan ayaa dhanka kale sheegay in ciidanka YPG oo ah kuwa ka tirsan kooxda kurdida ee SDF ay ay u arkaan kuwa argagixiso ah oo xiriir la leh xisbiga PKK oo weerarro horay ugu geysta gudaha Turkiga, sidaa darteed ay hadda ku qasbanyihiin iney muujiyaan feejignaan xoogan inta ay curaneyso dowladda cusub ee Suuriya.

Hadalka Erdogan wuxuu yimid kaddib markii shalay wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan uu sheegay in waddamada galbeedka ay isku dayayaan inay kooxaha ka jira gudaha Suuriya ee ay Ankara u aqoonsantahay argigixisada ay doonayaan iney u adeegsadaan kuwa gudaha Turkiga ka fulin kara weerar walba oo faraha kasii bixin kara aminiga dalka Turkiga.

FAAFREEB PRO