Maxay Tahay Sababta uu Trump u Dadajinayo Heshiiska Ukrain iyo Ruushka?.

Feb 22, 2025

Mid kamid ah joornaalada ugu waaweyn ee kasoo baxa qaarada Asia oo daaha ka rogay ujeedka ugu weyn ee uu Mareykanku u dadajinayo iney soo afmeeranto colaada Ukrain.

Sida uu baahiyey wargeyska The Japan Times, ujeeddada ugu sarreysa ee Trump u dedejinayo heshiiska Ruushka iyo joojinta dagaalka Ukraine ayaa ah, inuu doonayo inuu helo firaaq balaaran oo ku wajihi karo Shiinaha marka laga hadlayo loolanka dhaqaale, midka sirdoon iyo xitaa mid militari oo suuragal ah xilli walba.

Midan ayaa lagu waramayaa iney si aad ah markale u muujineyso loolanka xoogan ee ay dhinacyada u dhexeeya iyo sida xukuumada cusub ee Donald Trump ay u dooneyso inay Shiinaha ka hor istaagto hamigiisii ahaa sidii uu ku noqon lahaa waxay ugu yeeraan quwada caalamka ugu sareysa.

“Trump wuxuu doonayaa inuu qaado tallaabooyin, isagoo xoogga milateri ee Mareykanka geynaya aagga Indo-Pacific, waxa xigana waxay noqon karaan cunaqabateynta iyo go’doominta dunidda intaa kale laga saaro Shiinaha” waxaa sidaas lagu qeybo kamid ah xogaha kasoo baxaya arinkaan.

Gunaanudkii ilaa hadda Shiinuhu wax war ah kama soo saarin fadhiyada ka socda Sucuudiga ee xalka loogu raadinayo xiisada gobolka ee u dhexeysa Ruushka iyo Ukrain, xukuumada Xi jinping ayaana sheeda sare ka daawaneysa wax walba oo dhinacyadu ku dharaan dhirinayaan miisaska Riyaadh.

FAAFREEB PRO