Maxay Wargeysyada Caalmka ka Dheheen Heshiiska Xabad Joojineed ee Qaza?.

Jan 16, 2025

Waxaa sida aan la socono muddo ka badan 15 bilood oo dagaal ah kadib habeenimadii xalay la gaaray heshiis xabad joojin rasmi ah oo ay dhiancyadu isku waafaqeen, kaasoo ka hirgali doona gudaha dhulka Filistiin, waxaana canaawinta hore ee warbaainta dunida heysta saacadihii lasoo dhaafay qodobkan iyo sida sahaayinada ugu fashilmeen duulaankii kibirku hareeyey ee ay kusoo galeen gudaha Marinka Qaza.

Haduu Allah ogolaado waxaan halkan kusoo gudbin doonaa sida jaraa’idyada caalamka kuwa ugu waaweyn ay saacadihii ina weydaartay ay wax uga daabacayeen heshiiskan ay dhinacyadu qalinka kuwa duugeen ee ka kooban ilaa Sadaxda waji.

Lubnaan, Qaza iyo Jenin waxaa ka bilowday dabaaldegyo ka hor ku dhawaaqista rasmiga ah ee xabbad joojinta, waxaa sidaas lagu bilaabay warbixin ay baahisay jariirada Macaariif ee wax ku qorta afka cibriga, dabcan warbixintan waxaa nashriyey ka hor inta heshiiska aan si rasmi ah loo shaacin balse warbaahinta ay soo galeen tasriibaad dhowr ah.

Waxaa gudaha warbixinta lagu soo qaadanayaa maqdacyo muuqaallo ah oo muujinaya sida ay u faraxsanyihiin shacabkaas ayna habeenkooda u ahaa mid dhoola cadeyn iyo dabaaldaga uu hareeyey, iyadoona shacabka reer Qaza si gaar ahaaneed ay uga muuqatay farxad aan la qiyaasi karin, waxayna jeedinayeen kalimaad qalbi taabat ah oo guduooda ku keedsanaa wax ka badan 15 bilood oo xiriir ah.

Warbixinta waxaa sidoo kale lagu sheegayaa in madaxa maamulka maqaarsaarka ah ee Maxamuud Cabaas oo ka hadlay heshiiskan u uku tilmaamay mid daciif ah oo aanan ku jirin wax dan ah, marka laga hadlayo Muqaawamada iyo shacabka reer Qazaba.

Waxa uuna yiri “Heshiiska xabad joojineed ee hadda la gaaray waa mid daciif ah” dhanka kale waxaa isagana hadlay oo joornaalka Macaariif uu soo xiganayaa sarkaal sare oo ka tirsan kooxaha muqaawamada Filistiin kaasoo la qariyey magaciisa, waxa uuna dhankiisa heshiiskan ku tilmaamay mid taariikhi ah maadaama iyagoo guul ku dangiigsan ay cadawga ku qasbeen inuu tanaazul sameeyo una hogaansamo shuruudohooda, guusha dhabta ahna ay tahay midaas.

Isla arimahan iyo waxa ay ka yiraahdeen jaraa’idyada dunida ayeynu ku guda jirnaayee, aan markan soo qabto wargeyska The Gardiun oo isagana wax ka daabacay jaanibka shacabka yuhuuda iyo waxa uu uga dhiganyahay heshiiskan xabad joojineed ee ay gaareen dhinacyada.

Waxa ay jariiradu ku warameysaa in bulshada sahaayinada ay mudadan uu dagaalku socday ay ahaayeen kuwa u dhexeeya xaalado is barkan misana murugada la daris ah, yuhuud fara badan ayey wadooyinka Talaabiib iyo Xeyfa uu gabalka ugu dhacay sii ay qeyla dhaan iyo baaqyo kala duwan ugu dirayeen Natanyaahu si shaqsiyaadka ka maqan dib loogu soo celiyo.

Hadaba waxay The Gardian sheegeysaa in talaabadan heshiiska lagu gaaray ay hadda soo dhaweeyeen sahaayino fara badan oo ku han weyn iney dib u heleen maxaabiistooda, halka kuwa kalana ay u arkaan mid qiyaano ah waana shaqsiyaadka eheladooda qaab maxaabiis ahaan ah loogu laayey xabsiyada muqaawamada.

Habeenimadii xalay waxaa caasimada gumeystaha isgu soo baxay tobaneeyo ruux oo sida aan xusnay isugu jira mucaarad iyo muxaafid soo dhaweynaya heshiiska, su’aasha dadka qaar ka dhax guuxeysa ayaana ah muxuu Binyamin Natanyaahu xilli hore u ogolaan waayey heshiiskan hadii ayba maanta oo kale ay imaaneyso, iyagoo ula jeeda muxuu tani u ogolaaday xilli la laayey hal doorkoodii gudaha xabsiyada muwaawamadana maxaabiistooda lagu dhadhansiiyey waxa ay tahay gaarida iyagoo xabadka loo saaray qoortooda oo uu dhiigu ka da’ayo.

Aan markan milicsano Wargeyska Times ee kasoo baxa dalka Ingiriiska oo isagana wax ka qoray qadiyadan iyo sida gudaha bulshada caalamka ay markan ugu ziyaadeyso nacebka ay u qabaan maamulka yuhuuda iyo shacabkiisa, iyadoona arinki uusan ku tacaluqin wax diin ah.

Waxay jazriiradu sheegeysaa in dagaalka Qaza ka socday waxa ka badan 15 bilood ilaa laga soo gaaray habeenimadii xalay oo ugu dambeyn la gaaray heshiis dhinacyada kala istaajinaya, la arkay dhacdooyin layaab leh oo tira beel ah.

Waxaa dhacdooyinkaas kamid ah sida The Times uu xusayo neceybaka yuhuuda caalamka oo gaaray heer aanan abid la arag marka laga hadlayo dowladaha aanan islaamka ahayn, sida Ingiriiska oo kale oo uu waregysku sheegayo in boqolkiiba 40% bulshada Biritshku ay hada dhibsanayaa araga iyo xitaa la tacaamulida qof kasoo jeeda qoys yuhuudi ah.

Miqyaaska intaas la’eg ayaana la sheegay iney yihiin dadka waaweyn ee uu caqligoodu kala go’ay ee biritishka dhaladka ah, halka intaas ay sii dheertay kumanaan dhalinyaro ah oo ku nool qaarada yurub oo Iyana maanta ku baraarugay wajiga dhabta ah ee yuhuuda una qaaday neceyb meeshii ugu sareysay.

Hadii aan halkaas uga gudubno qoodbkan taabanaya sida dunida uu ugu ziyaadayo neceybka loo qabo yuhuuda, aan markan bal fiirino dhanka wargeyska The Telegraph oo isagana daabacay warbixin uu ciwaan uga dhigay “Israa’iil iyo Xamaas ayaa ku heshiiyey xabbad joojin maalmo ka hor inta uusan Trump xukunka la wareegin”

Een inta badan marka laga soo tago heshiiska dhinacyadu ay gaareen waxaa dhanka kale saacadihii lasoo dhaafay si aad ah loo buun buuninayaa Donald Trump oo sheeganaya in waxaan oo idil ay yihiin wax isaga madaxiisa ku yimid kadib guushii uu Shantii November 2024 ka gaaray Kamala Harris.

Waxa uu Trump ka dhawaajiyey in waxaan ay madixiisa ku yimaadeen, xiisada bariga dhexana uu qaboojin doono sida uu horyba u balqan qaadya waa sida uu hadalka u dhigee, balse waxaa dhaka kale midan lagu tilmaamay sumcad raadin iyo Trump uu doonayo in caalamka tuso waji nabadeed isagoo la ogyahay inuu yahay kan daaha gadaashii ka maamulana kana maleega colaadaha dunida ka olalaya intooda badan.

Hadii aan markan u talaabno dhanka joornaalka The Hill ee kasoo baxa dalka Mareykanka waxa uu dhankiisa isagana tibaaxayaa in heshiiskan xabad joojineed uu dan weyn ugu jirto shacabka reer Qaza, waliba marka laga hadlayo xaga gurmadka isugu jira qeybaha kala duwan, sida dawada, raashinka iyo shidaalka loo adeegsado matoorada korontada.

FAAFREEB PRO