Maxkamadda Sarre ee Kenya oo Kasoo Horjeesatay Xill ka Qaadistii Lagu Sameeyey MD ku Xigeenka.

Oct 20, 2024

Maxkamadda dowladda saliibiyada ah ee Kenya ayaa diiday xil ka qaadis lagu sameeyay madaxweyne ku xigeenkii hore ee Kenya Rigathi Gachagua.

Waxa ay maxkamaddu hakisay go’aankii ay sanataradda aqalka sare ee dowladda saliibiyada ah ee Kenya xilka uga qaadeen madaxweyne ku xigeenka.

Tallaabadaan ayay sheegtay iney u cuskatay qodobo ay soo jeediyeen qareennada madaxweyne ku xigeenki hore ee Kenya, kuwaas oo ay sheegtay iney tahay kuwa masiiri ah.

Waxaa xusid mudan midaana ay kusoo beegantay xilli saacado ka hor uu madaxweynaha dowladda saliibiyada ah ee Kenya uu wasiirka arrimaha amniga umagacaabay madaxweyne ku xigeenkiisa.

FAAFREEB PRO