Maxkamadda WI Sh/hoose Oo Xukun Dil Ah Ku Fuliyay Askar Murtadiin Ah oo Gacanta Lagu Dhigay.

Nov 13, 2024

Maxkamadda maamulka wilaayada islaamiga ah ee Sh/hoose ayaa saacadihii lasoo dhaafay xukun xadu Riddo dil ah ku fulisay askar murtadiin ah oo ay gacanta ku dhigeen ciidamada mujaahidiinta, waxaana goobta fulinta xadkaasi uu ka dhacayay soo xaadiray boqollaal muslimiin ah.

Askarta xadka lagu fuliyay ayaa lagu kala magacaabi jiray Maxamed Cabdulqaadir Cali (Carab) 21 jir ah, kaasi oo ka tirsanaa maleeshiyada murtadiinta ee ka howlgala degmada Marka iyo sidoo kale Maxamuud Xasan Cali, oo 20 sano jir ah, kaasi oo ahaa askari ka tirsan maleeshiyada Riddada ee ku sugan degmada Aadan Yabaal ee Sh/dhexe.

Fulinta xadka ayaa ka dhacay deegaanka Busleey Daa’uud ee hoostaga degmada Jannaale, xubnaha  murtadiinta ee la khaarajiyay ayaa gacanta lagu soo dhigay iyaga oo dhuumaaleysi ku jira, waxayna maxkamadda islaamiga ah ka hor qirteen gaalnimada ay ku jireen marka lasoo qabanayay.

HOOS KA DHAGEYSO XUKUNKA MAXKAMADA.