Mid Ka Mida Siyaasiyiinta Mucaaradka Oo Sheegay In Mujaahidiintu Qabsan Doonaan Somalia.

Feb 22, 2025

Siyaasi Idiris Xasan Faarax oo ka mida siyaasiyiinta mucaaradsan murtad Xasan Gurguurte ayaa waraysi uu bixiyay kaga warbixiyay fashilka siyaasi iyo midka millatari ee kooxda Riddada Soomaaliya.

Siyaasigan ayaa tilmaamay in nidaamka Riddada ee dowladaha saliibiyiinta ah dalka ka dhisteen uu noqday mid fashilmay, kooxda Riddada iyo maamul goboleedyadana ay dhabarka isku jeediyeen, isaga oo tusaale usoo qaatay halka ay kala joogaan kooxda Gurguurte iyo maamullada Deni iyo Axmed Madoobe.

Wuxuu dhanka kale sheegay siyaasigan in kooxda Riddadu ku fashilantay duullaankii ay kusoo qaaday wilaayaadka islaamiga, Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab na ay awooddeedu sii xoogeysatay, wuxuu sheegay in Mujaahidiintu qabsan doonaan Soomaaliya.

Kooxda Riddada ah ee uu hoggaamiyo murtad Xassan Dal-xaraashe ayuu Idiris tilmaamay inay mari doonto halkii ay martay xukuumaddii Riddada ee Afghanistan, magaalada Muqdishona ku dambayn doonto wixii ay Kaabuul ku dambeysay.

Hadalka siyaasigan oo ka mid ah xubnaha mucaaradsan kooxda Riddada ee uu hoggaamiyo murtad Gurguurte, ayaa kusoo beegmaya xilli Villa Somalia ay wajahayso cadaadisyo xooggan oo siyaasadeed, dhanka kalena kusoo jabtay duullaankii ashahaada la dirirnimo ee ay kusoo qaaday wilaayaadka islaamiga ah.