Mid Kamid ah Culimada Muslimiinta oo Lagu Dilay Gudaha Dalka Itoobiya.

Nov 6, 2024

Sheekh Maxamed Mekin oo ka mid ah culimada muslimiinta ee dalka Itoobiya ayaa lasoo wariyay in kooxo hubeysan oo Fallaago ah ku dileen qaybo ka mid ah ismaamulka Orormia.

Sheekha oo sidoo kale ahaa imam masjid ayaa ka mid ah dad muslimiin ah oo ku baxay gacanta dhinacyada ku dagaallamaya siyaasadda iyo maamulka gobolka Orormia.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in weeraradii ugu dambeeyay ee lagu dilay dadka rayid ah ee ka dhacay gobolka Oromada uu ka mid noqday Sh Maxamed Mekin Xaaji, kaasi oo Imaam ka ahaa Masjid kuyaal degmada Dera ee dhacda Waqooyiga Shoa.

Sheekh Maxamed iyo 12 qof oo kale oo rayid ah waxaa markii ugu horraysay Masaajid ku yaala deegaanka Adea Melkie Kebele ee hoostaga degmada Dera ka afduubtay jabhadda fallaagada Oromada ee OLA loogu yeero.

Enat oo ka mida xisbiyada mucaaradka ah ee Itoobiya, ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in shiikha iyo 12-ka qof ee kale la afduubtay bil ka hor, isla markaana uu socday dadaal xooggan oo lagu doonayay in lagu sii daayo.

Kooxda fallaagada OLA ayuu xisbigan mucaaradka ah sheegay inay dalbatay lacag madaxfurasho ah oo dhan saddex milyan oo Birr, waxaana uu intaas ku daray in la siiyay lacag dhan 1.4 milyan oo Birr ah, lacagaha dhiman ayuu sheegay inay dalbadeen in deg deg lagu keeno iyo sidoo kale hub.

Xisbiga ayaa sheegay inta aan dalabka 2-aad laga jawaabin laga war helay in jabhadda OLA dileen Imaamka masaajidka, waxayna sheegtay in dhacdadaas la xiriirto beegsi isir sifeyn ah oo ka dhan ah dadka muslimiinta.

Sheekh Maxammed Mekin Xaaji ayaa ka mid ah aqaliyaadka muslimiinta ee qowmiyadda Axmaarada, jabhadaha fallaagada ah ee FANO iyo OLA ee kala taabacsan Axmaarada iyo Oromada ayaa xasuuqyo isir sifayn ah ku haya muslimiinta kasoo jeeda labada qowmiyadood.

FAAFREEB PRO