Midowga Afrika oo Walaac ka Muujiyay Awoodda Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Aug 13, 2024

Qiimeyn uu sameeyay urur gaaleedka Midowga Afrika, ayaa lagu sheegay in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay marba marka kasii dambeysa hal abuureyso qaabab iyo xeelado ay ku hormarineyso weerarada ka dhanka ah ciidamada saliibiyiinta afrikaanta ah iyo maleeshiyaadka kooxda ridada.

Marka laga hadlayo dhanka Sirdoonka, waxaa qiimeyntan ay sameeyeen khubaro ka tirsan Midowga Afrika lagu sheegay, in awoodda Sirdoon ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay sii xoogeneyso, ayna Xarakadu leedahay nidaam sirdoon oo awood leh, kaasoo adeegsada qalabyada teknoloojiyadda casriga ah, arimahaasina uga faa’ideysanayaan fulinta weeraro culus.

Dhanka dagaalyahannada cusub ee ku biiraya Mujaahidiinta, ayuu sheegay Midowga gaalada Afrika iney sii kordheen waayadii u dambeysay, ayna ciidamada Muhaajiriinta ka koobanyihiin dhalinyaro muslimiin ah oo ka tagay dalalka bariga iyo bartamaha africa.

Weeraradii ugu dambeeyay ee ay fulisay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, gaar ahaan kii ka dhacay Beach Veiw, ayaa dhaliyay walaac horleh oo ay muujinayaan khubarada ka faallooda arimaha Soomaaliya iyo gaalada duullaanka kusoo qaaday Soomaaliya, waxayna dhamaantooda isku raaceen in awoodda mujaahidiinta ay sii xoogeysaneyso marba marka ka dambeysa.

Falanqeeye katirsan kooxda ICG, ayaa tilmaamay in rajada ay leeyihiin Siyaasiyiinta iyo xaqiiqda taalla fagaaraha dagaalka ay labo kala tahay, xilligan la joogana ay muuqato in kooxda ridada aaney ka maarmin in ay ilaaliyaan ciidamada saliibiyiinta ah.